Ramadan Kariim 



 

      

Shir lagu Qiimaynayay Unug Aas-aasiyada & Unug Hoosaadyada XDSHSI ee Shaqaalaha Xafiiska Adeega Shacabka & Kobcinta Maamulka DDSI oo Maanta lagu soo Gabagabeeyay Hoolka Shirarka ee Xafiiska.

XDSHSI ayaa dadaal balaadhan ugu  jira sidii looga midho dhalin lahaa dhamaan qorshayaasha horumarineed ee u dajisan,  loona gaadhiin lahaa shacabka deegaanka horumar waaro oo aan soo noqod lahayn, si loo hirgaliyo qorshayaashaasi ayaa XDSHSI waxa uu haba diirada saaraa meelaha uu isleeyay waxaa ka jira gol daloola wiiqi Karta  habsami u socodka hawlaha shaqo ee lagu hirgalinayo qorshayaashaasi.

Hadaba waxaa maanta loo soo gabagabeeyay shaqaalaha xafiiska adeega shacabka iyo kobcinta maamulka DDSI shir lagu qiimaynayey geedi socodka  shaqo ee unug aas aasiyada, unug hoosaadyada iyo xubnaha xisbiga ee shaqaalaha xafiiska.

Waxaana xidhitaankii shirkaasi ka soo qaybgashay wasiirada xafiiska adeega shacabka iyo kobcinta maamulka DDSI marwo Majiida Maxamed Maxamuud waxayna wasiiradu si qoto dheer uga warbixisay ujeedooyinka shirkan qiimaynta ah iyo meel marinta jihooyinka siyaasadeed horumarineed ee xisbiga iyo xukuumadu ay hiigsanayaan.

Waxayna sheegay in ay qiimayntani ahayd mid si toos ah diirada loogu saarayay  shaqaalaha xafiiska sida uu shaqsi walba ku yahay gudashada waajidaadka shaqo laguna kala saaro shaqsiyaada hore u talaabsaday iyo kuwa dib u liicaya loona saxo meelaha ay ka iman karto gol dalooladu.

Wasiiradu iyada oo hadalkeeda sii wadata ayaa waxay tidhi” sidaan wada ogsoonahay XDSHSI wuxuu qaatay  jihooyin lagu meel marinayo hayaanka hirgalinta  qorshayaasha horumarineed laguna saxo qofka ka gaabinaya xawaaraha hirgalinta horumarka ,si arimahaasi looga midha’dhalinyo waxa uu sameeyay in la qiimeeyo dhamaan shaqaalaha xafiisyada kala duwan ee deegaanka taasina waxay sahlaysaa gaadhida hirgalinta yoolka horumarineed ee xiliyada kala duwan sida qorshaha sanadka 2007TI, ka xafiis ahaana waxaan nahay mishiinada ugu waawayn ee lagu hirgalinayo qorshayaashaasi"

 

Waxayna ugu mahad celisay wasiiradu shaqaalaha xafiiska sida ay uga qaybqaateen mudadii uu socday shirka qiimayntu ee ay ku jirtay isla xisaabtanka iyo cad cadaantu iyo natiijada wax ku oolka ah ee ka soo baxay shirkaasi. Kuna boorisay in ay sii xoojiyaad dadaalkooda shaqo. 

 

Dhankooda masuuliyiinta iyo shaqaalaha xafiiska ayaa waxay wacad ku mareen in ay sidii loogu dalagalay u gudanayaan waajibaadka shaqo waxayna sheegeen in ay qiimayntani ahmiyad balaadhan u lahayd shaqalaha taasi oo lagu eegayay  ayay yidhaahdeen natiijada fulinta shaqada iyo hirgalinta qorshaha u yaala xafiiska si loola jaan qaado xiliga iyo xaqiijinta hirgalinta qorshayaasha horumarineed.