Ramadan Kariim 



 

      

Wasiir Ku-Xigeenka Xidhiidhka Dawlada,Dhaqanka iyo Dalxiiska oo Si Wanaagsan Loogu Soo Dhaweeyay Xafiiska.

Jigjiga(CN) Talaado Nov-18-2014. Sidaynu la wada soconay Todobaadkii hore ayaa ay xukuumadu magacawday masuuliyiin badan heer deegaan ah si loo kaamil yeelo qaabdhismeedyada hogaaminta xafiisyada si loo wajaho sii dardargalinta Geedisocodka Shaqada loo hayo Bulshowaynta deegaanka oo qorshuhu yahay in daqiiqad kasta ahmiyada la siiyo kor uqaadida Nolosha shacabka si loo suuliyo saboolnimada iyo gaajada.

Masuuliyiintan la magacaabay ayaa uu ka mid ahaa Mudane Baashe Cabdi oo loo magacaabay wasiir kuxigeenka Wasaarada Xidhiidhka Dawlada,Dhaqanka iyo Dalxiiska oo ah xafiis halbowle u ah xukuumada dhanka isgaadhsiinta iyo Xidhiidhka oo kaalin xoogan ka qaata Horumarka, N/galyada, Maamulka suuban iyo xidhiidhka lamaaha dawlada,Bulshada Dal iyo Dibadba.

Wasiirka Xafiiska injineer Idiris Shaale ayaa Masuulka aad ugu soo dhaweeyay Xafiiska islamarkaana ay wadajir kulan balaadhan oo ahaa isbarasho iyo nidaamka shaqo ula qaateen shaqaalaha xafiiska iyadoona uu mudane Injiner Idiris idmay in shaqaaluhu isbaraan wasiir kuxigeenka. Shaqaalaha oo aad ugu farxay masuulkan cusub ayaa mid mid magacyadooda ugu dhawaaqay intaak adibna waxaa codbaahiyaha qaatay mudane Baashe Cabdi oo uga mahadceliyay wasiirka iyo shaqaalahaba qalbiga fiican ee ay ku qaaabileen ayuu yidhi.

Dhanka kale wasiir kuxigeenka ayaa warbixin yar ka bixiyay waajibaadka shaqo ee laga sugayo xafiiska,Gudi ku shaqaynta,hal-abuurka shaqoQorshe ku shaqaynta,isdhaafsiga Xogaha shaqada xiliga ku haboon,isxilqaanka shaqo ee shaqaalaha looga baahan yahay iyo caadaysiga luqada shaqada si looga midho dhaliyo qorshayaasha kobaca dhaqaale iyo la dagaalanka saboolnima ayuu yidhi.

Mudane baashe ayaa Carabka ku dhuftay in loo baahan yahay in xooga la saaro Qaybaha dhaqanka iyo Dalxiiska,maadaama ay xafiiska Masuuliyad ka saaran tahay ilaalinta Dhaqankeena asaliga maguuraanka ah,Ilalinta iyo kaydinta ataarta,Agabka iyo taariikhda Deegaanku leeyahay Masuulka ayaa tibaaxay in Deegaanku leeyahay goobo ku haboon dalxiiska loona baahan yahay in la daryeelo islamarkaana la baro Shacabka Deegaanka iyo caalamkaba si aynan u baabiin ama aynan u dhalan guurin mustaqbalka,sida Dhismaha Biyaha Dabiiciga ah ee Erer,Masaajidka qarnigii 7aad laga dhisay Jigjiga,Masaajidka Derbiga oo xiligii axmed Guray la dhisay,seerada ugaadha ee Babili,Maroodiga,Deerada,Gorayada,garanuugta,Dhismaha Guryihii Sayidka.Xabaasha Garawo iyo Khayraadka dabiiciga ah ee alle ku manaystay Deegaanka in nidaam waxtar leh oo qayb ka qaadata Horuarka iyo kobaca dhaqaale ee uu Deegaanku hiigsanayo loo maareeyo.

Isku soo wada duuboo kulankan ayaa Qiimo gaara u lahaa xa.fiiska maadaama 2bo todobaad ka dib DDSI lagu qaban doono Xuska Dhaqanka halka 6 bilood ka dibna Deegaanka lagu qaban doono Xuska maalinta Dalxiiska DFI loona baahan yahay diyaargaraw balaadhan in uu Deegaanku sameeyo.