Ramadan Kariim 



 

      

Kulan Lagu Gorfaynayay Sii Xoojinta Horumarka N/galyada Iyo M/Suuban Oo Ay Wada Yeeshen Masuuliyiinta Safaarada Dalka Itoobiya Ee Finland Iyo Ururka Dhalinyarada SEDYO Finland Ayaa Ka Dhacay Magaalada Helsinki.

Helsinki(CN) Talaado.18.Nov.2014, waxaa ka dhacay magaalada Helsinki ee wadanka Finland kulan balaadhan oo lagu lafa gurayay sii xoojinta hawlaha horumarka nabadgalyada iyo maamulka suuban ee sida xawliga ah uga hirgalay guud ahaanba dalka Itoobiya.

Kulankaa oo ay soo agaasintay safaarada dalka Itoobiya ay ku leedahay wadanka Finland islamarkaana ay soo diyaarintiisa ka qaybqaateen ururka dhalinyarada SEDYO ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiinta safaarada dalka Itoobiya ee Finland oo ay ka mid yihiin safiirka safaarada  Woinshet Tadesse, qunsulka labaad ee arimaha qurba joogta mudane Xuseen Axmed, masuuliyiinta ururka dhalinyarada SEDYO iyo waliba dhamaan laamaha kala duwan ee dalka Finland sida jahliyda DDSI ururka haweenka SUGAL iyo waliba marti sharaf kale.
Kulankan ayaa waxaa ka hadlay safiirka safaarada dalka Itoobiya ay ku leedahay wadanka finland oo si qoto dheer uga warbixiyay  qorshayaasha horumarineed ee uu hiigsanayo wadanka Itoobiya, sida qiimaha badan ee ay iskugu xidhan yihiin ururada jahliyadaha dalka Itoobiya ee wadanka Finland gaar ahaan waxa uu sheegay safiirku in jahliyada DDSI ay tahay muunad ku dayasho mudan sida ay iskugu xidhan yihiin ee ay uga qayb qaataan hawlaha horumarka, nabadgalyada iyo maamulka suuban ee ka jira DDSI wuxuuna ku booriyay in ay sii xoojiyaan dadaalkooda.

Dhanka kale masuuliyiinta ururka dhalinyarada SEDYO Finland oo kulankaasi ka dib u sameeyay masuuliyiinta safaarada iyo ururadii kala duwanaa ee ka soo qaybgalay kulankaasi ayaa dhankooda ka warbixiyay jihooyinka qorshayaasha ay kaga qayb qaadanayaan horumarka sida xawliga ah u maansheeyay dalka Itoobiya gaar ahaana qorshahooda ku wajahan DDSI.
Gudoomiyaha ururka SEDYO  finland mudane Yuusuf Axmed oo ugu horayntii ku soo dhaweeyay casho sharafta ay ugu tala galeen masuuliyiinta, ayaa waxa uu ka warbixiyay xaalada horumarineed nabadgalyo ee ka jirta DDSI iyo doorka ay ku leeyihiin jahliyada dalka Finland ka qaybqaadashada hawlahaasi horumarka.

Waxaa kale oo uu gudoomiyuhu soo jeediyay warbixinta waxqabadka ururka dhalinyarada SEDYO iyo qorshayaasha horumarineed ee ay dhigteen ururku. warbixintaasi oo ahayd mid aad u qurux badnayd oo ka turjimaysa ka qayqaadashada hawlaha horumarka ee DDSI ayaa waxaa siwayn u bogaadiyay masuuliyiintii safaarada warbixinta ay soo jeediyeen ururka dhalinyarada SEDYO ee wadanka finland.
Ugu danbayntii waxaa laysla qaatay meel’marinta jihooyinka hayaanka geedi socodka hirgalinta qorshayaasha xidhiidhka jahliyada iyo ka qayb’qaadashada hawlaha horumarka nabadgalyada ee ka jira dalka iyo deegaankaba.