Ramadan Kariim 



 

      

Masuul Ka Soo Jeeda Maamulka Juba-land oo Jooga North-America oo Bogaadiyay Guulaha XDSHSI iyo Darbaaxadii Ciidamada Geesiyada LP Ku Dhufteen Al-Qushaash.

MN(CN) Sabti Nov-22-2014. Mudane Fuaad ileeye oo ah Masuul ka joode Maamul-Goboleedka Jubaland oo fadhigiisu Nporth-America ayaa emeil noo soo diray uu ku cabirayay Aragtidiisa ku wajahan isbedelada Horumarineed,N/galyo,Maamul suuban iyo Kobcinta Dhaqanka ee ka hanoqaaday guud ahaan DDSI kuwaasoo ku yimid Istartijiyadaha iyo tabaha qorshayasha cilmiyaysan ee uu Dejiay Xisbiga talada deegaanka haya ayuu yidhi.

Sidoo kale Mudane Fuaad ayaa hambalyokal iyo laab ah u soo diray halyeeyada iidanka gaarka ah ee Liyuu-police kuwaasoo ayuu yidhi Geesinimadooda Ciidameed ay Tusbax furtay ka dhigeen Al-Qushaash xiligii ay casharka lama ilaawaamka ah ugu dhigeen Xuduuda DDSI iyo Gudaha Soomaaliya taasoo sababtay in maanta Al-qushaash saldhigyadoodii ugu waawaynaa Gudaha Soomaaliya laga kiciyay lagana sifaynayo deegaanada ay ku dhuumanayan ayuu yidhi.

Dhanka kale mudane fuaad ayaa sheegay in Barnaamijka iyo abaabulka dhanka wacyigalinta iyo kor u qaadida agabka dhaqanka iyo Goobaha dalxiiska deegaanka ee aanu ka daawanay ESTV in uu yahay Barnaamij aad noo soo jiitay sida Museumka ama Matxafka kaydka Dhaqanka iyo taariikhda Deegaanka ee laga yagleelayo Caasimada Jigjiga kaasoo wax wayn ka tari doona kaydinta Agab-dhaqameedka,taariikhda iyo Dalxiiska Deegaanku leeyahay dhaxalna u noqon doona Jiilka soo koraya ayuu yidhi.

Ugu Danbayn waxan hambalyo iyo Bogaadin u soo dirayaa anigoo ku hadlaya magaca Jubooyinka Madaxwayaha Deegaanka Mudane CMC iyo XDSHSI oo Mudadii xukuumadani jirtay isbedelo la taaban karo ka dhaliyay Horumarka,maamulka suuban,N/galyada, Xidhiidhka Qurbajoogta iyo iskaashiga Gobolada Deriska.