Safaarada Dalkeena Ethiopia ee Emiraat-ka carabta ee magaalada Abu Dhabi oo xadhiga laga jaray iyo Jaaliyada DDSI oo kaalin mugleh ka qaadatay furitaanka Safaarada.

Dubai)CN) Axad No v-23-2014. Maalin-nimadii sabtida ee ku beegnayd 22/11/2014 ayaa waxaa si rasmi ah xadhiga looga jaray Safaarada aynu ku yeelanay Dalka UAE Caasimadiisa Abu Dhabi. Xafladii Xadhiga lagaga jarayay Safaarada ayaa waxaa ka soo qaybgalay Waziiro labada dal ah ooy kala Hogaaminayeen, H.H. Sheikh Abdalla Bin Zayed Aala Nahyaan, Waziirka Arimaha Dibada ee Emirates ka iyo H.E. Dr.Tedros Adhanom Waziirka Arimaha dibada ee Dalka Ethiopia, Waziirada labada dhinac ayaa xusay Cilaaqaadka iyo xidhiidhka saaxiibtinimo ee u dhaxeeya labada dal iyagoona ku tilmaamay furitaanka safaaradan farxad cusub oo ku soo koradhay xidhiidhka u dhaxeya labada wadan.

Waxaa xusid mudan in Jaaliyada DDSI oo si wayn uga muuqatay furitaankii Safarada ayaa looga mahad-celiyayay kaalintii iyo dadaalkii ay waajibkooda wadaninimo ku guteen ee ay kaga qaybqaateen furitaankii Safaaraddan oo kaalin lama iloobaan ah ay kaqaadatay Jalida DDSI Faraceeda Abu Dhabi.

Dhanka kale Wasiirka arimaha dibada ee Ethiopia ayaa kulan dheer oo uu ugu xogwaramayay qorba joogta reer Ethiopia iyo ganacsatada kadib waxaa uu kulan gooni ah la qaatay Jaaliyada DDSI faraceeda Abu Dhabi halkaas oo ku booriyay in ay sii xoojiyaan dadaalka ay kaga qaybqaadanayaan hormarka wadankooda.

Dhankiisa Odayga jaaliyada Shakir Axmed A. Shabeel oo si gooni ah ula hadlay Wasiirka ayaa xusay in la adkeeyo Nabada iyo maamulka suuban ee ka hana qaaday Dhamaan Ethiopia gaar Deegaankeena ee uu hugaanka u hayo Madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamud Cumar.