Wasiirada Xafiiska Kahortaga Iyo Xakameynta Cudurka Hiv/Aidska Ee DDSI Oo xafiiskeeda ugu warameysay warbaahinta Ayaa Sheegtay Inuu Xafiisku Ku Hawlanyahay Sidi Bulshada Looga Wacyigelin lahaa Khatarta Uu Leeyahay Cudurka Hiv/Aidska.

Jigjiga(CN) Sabti Nov-29-2014. Sidaynu wada ogsoonahay waxaa waayadan danbe ay dunidu aad ula tacaashaa ka hortaga iyo xakamaynta halista cudurka dilaaga ah ee HIV/AIDS kaasoo fara ba'an ku haya wadamada soo koraya siiba kuwa Afrika.

Hadaba wasiirada xafiiska kahortaga iyo xakameynta cudurka hiv/aidska ee marwo Faadumo C/laahi Takhal oo ugu warameysay xafiiskeeda warbaahinta degaanka ayaa tilmaantay in xafiisku dadaalo xoogan ugu jiro sidii bulshada degaanka looga waycyi-gelin lahaa khatarta uu leeyahay Viruska cudurka hiv aidska iyo sidii bulshadu marwalba uga taxadari lahayd khataraha kaga imaan kara moogaanshaha cudurkaasi.

Sidoo kale Faadumo C/laahi takhal ayaa ka warbixisay Qorshayaasha xafiiska, waxqabadka xafiiska iyo xakameynta cudurka hiv aidska ee degaanka sheegtayna in xafiiska oo kaashanaya Culuma'udiinka Deegaanka, Dhakhaatiirta, Hogaaminta Dhaqanka iyo hawl-wadeenada xafiiska ay Gobolada,Degmooyinka, Maamul Magaalada iyo caasimadaba ay Qaybaha shacabka iyo Qaabdhismeedyada dawlada u fureen fagaarayaal lagaga wacyigalinayay halista Cudurka dilaaga ah,Tababaro la xidhiidha xakamaynta iyo xaqdhawrka dadka la nool Cudurkan si aan bulshada looga takoorin.

Wasiirada ayaa inta ku dartay in goobaha wacyigalinta laga sameeyay ee ugu danbeeyay ka mid yihiin Degmooyinka Mooyaale,Godey,Beer-caano,Cadaadle iyo Dugsiyada Sare ee magaalada Jigjiga.

Dhanka kale marwo : faadumo c/laahi takhal ayaa sidoo kale fariin u dirtay bulshada degaanka in marwalba ay ka taxadaraan islamarkaana ay ku baraarugsanadaan khatarta cudurka hiv/aidska , iyadoo sidoo kale fariin u dirtay in bulshadu marwalba ayna takoorin bulshada la nool viruskan.

Isku soo wada Xooriyoo xafiiska kahortaga iyo xakameynta cudurka hiv/aidska ee DDSI oo ka duulaya istrategyadaha xafiiska eeku aadan sidii bulshada looga wacyigelin lahaa khataraha cudurka hiv/aidska ayaa ku hawlan hoosu dhigida cudurkaasi iyado sidoo kalena xafiisku isku diyaarinayo xuska maalinta cudurka hiv/aidska ee aduunka oo sanadkan laxusi doono 22ka bisha hidhaar ee 2007 t.i.