Ramadan Kariim 



 

      

Itoobiya Oo Si Heer Caalami Ah Looga Abaal-marinayo Waxqabadka Iyo Shaqooyinka Ay Ka Qabatay Ladagaalanka Cunno Yaraanta.

Addis Ababa(CN) Sabti.Nov.29.2014, Dalka Itoobiya ayaa helaya abaal marin iyo barnaamij lagu aqoonsanayo waxqabadka iyo shaqooyinka uu dalka ka gaadhay halganka caalami ee loogu jiro cuno yaraanta aan isu dheeli tirnayn.

Waxaa maalinta bari ah lafilayaa in uu dalku helo abaal marin iyo barnaamij lagu garwaaqsanayo heerka isbadal ee uu dalka ka keenay ladagaalanka cunayaraanta, kaasoo kadhici doona Roomada Talyaaniga.

Sida ay xaqiijinayso daraasaad ay samaysay haayada adduunka u qaabilsan Cunada iyo beeraha ee FAO ayaa lagu xusay in Itoobiya ay gaadhsiisay cuna yaraanta aan dheeli tirnayn in ka hoosaysa boqolkiiba 50.

Sidoo kale wasiiru dawlaha wasaarada beeraha ee JDFI mudane Wandiraid Mandafru ayaa sheegay sida uu ugu waramay qaar kamida warbaahinta dalka, in Itoobiya ay si sax ah uga soo baxday balan qaadkii caalami ee sida guud loola halgamayay cuna yaraanta iyo saboolnimada. Wuxuuna wasiiru dawluhu sheegay in wakhti xaadirkan ay heerka cunayaraanta aan dheeli tirnayn ay marayso in kayar boqolkiiba 35 halka uu sanadkii 2012 marayay 70 boqolkiiba.

Hadaba waxqabadka iyo shaqada uu wadanku sameeyay ayaa waxaa barito lagu abaal marin doonaa laguna garwaaqsan doonaa isbadalkaasi Roomada Talyaaniga, halkaas oo ay kadhacayso shir sanadlihii haayada aduunka u qaabilsan Cunada iyo beeraha ee FAO.

Waxaana Itoobiya barnaamijkan uga qayb galaya islamarkaana u gudoomaya abaal marintan raysal wasaaraha dalka mudane HaileMariam Desalegn.
Itoobiya ayaa kamida wadama uu aadka u korayo dhaqaalahoodu kadib istaraatiijiyadaha uu dalku qaatay ee ay kamidka yihiin yoolasha qarniga, qorshaha kobaca iyo isbadalka dhaqaalaha iyo kuwo kale. Waxayna arintani tilmaamaysaa dadaalka xawliga ah ee ay Itoobiya ugu jirto in ay kamid noqoto wadamada uu dhaqaalahoodu dhex-dhexaadka yahay.