Ramadan Kariim 



 

      

Ogaysiis: Ka Soo Qaybgalka Muaasabad Balaadhan oo Ka Dhici Doonta Melbourne Australia

Melbourne(CN) Isniin Dec-01-2014.Waxaa la ogaysiinayaa jahliyada,qurbajoogta DDSI ee ku dhaqan wadanka australia gaar ahaan Melbourne in ay Ka soo qayb galaan xaflad balaadhan oo lagu taageerayo Go'aanadii dhaxalgalka ahaa ee ka soo baxay shirwaynihii 8aad ee XDSHSI ee dhowaan ka dhacay magaalada Fiiq ee Gobolka Nogob oo ay ka qaybgaleen Hogaaminta jaaliyada Melbourne oo Casuumaad ka heshay XIsbiga iyo guud ahaan isbedelada iyo horumarka, nabadgalyada iyo maamulka suuban ee Ka hana qaaday Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobia ee uu hormoodka Ka yahay Mudane Madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar.

Sidoo kalana ay Jaaliyadu Shikan ka dib ku hawlan tahay Diyaargarawga Xuska 9aad ee Maalinta Shucuubta iyo Qowmiyadaha reer Itoobiya oo sanadkan lagu qaban doono Asosa Deegaanka Benishangul-Gumuz.

Hadaba waxaa ay hogaaminta jaaliyadu mar 2aad ogaysiinaysaa Qurbajoogta Qaybaheeda ka soo jeeda DDSI ee ku dhaqan Melbourne iyo Nawaaxigeeda in ay ka soo qaybgalaan Xafladan oo ay Waftigii ka soo laabtay Deegaanka ay warbixino ka soo jeedin doonaan iyo sidoo kale Guulaha XDSHSI iyo Xukuumada maantu gaadheen sanadihii ugu danbeeya.

Goobta WHITE ROSE RECEIPTION 725 HIGH STREET THORNBURY

Maalinta Jimce-FRIDAY

Taariikhda 19/12/2014

Saacada 6:30PM until 1:00AM

Contacts:

Umal Khayr Dalmar - 0422 154 344

Abdullahi Qalinle - 0402 142 662

Muhumad Haibe - 0422 311 864