Masuuliyiin Heer Deegaan ah oo Kulan La Xidhiidha Barnaamijka Ka Faaiidaysiga Wabiyada iyo Dooxooyinka La Yeeshay Maamulka Gobolka Sitti.

Shiniile(CN) Isniin Dec-01-2014.Dawlada Federalka itoobiya oo ka duulaysa Qorshayaasha Kobaca dhaqaale GTP iyo MDG ayaa iyadoo lagu salaynayo Qorshayaasha Deegaanada dalka laqga hirgaliyay DDSI barnaamijka dibudejinta Qoysaska loogaga faaiidaynayo Wabiyaa iyo Dooxooyinka si loo sugo damaanada Cuntada loogana xoroobo Saboolnimada iyo Gaajada.

Qiimayno lagu sameeyay Deegaanada uu ka socdo barnaamijka ka faaiidaysiga wabiyada iyo dooxooyinka ee bulshada loogaga faaiidaynayo ayaa Deegaanka Soomaalida itoobiya lagu amaanay sida ay xukuumadu ugu guulaysatay hirgalinta Mashaaiicda Dibudejinta Deegaanka Soomaalida; sida la ogsoonyahay waxaaay xukuumada DDSI ay sanadihii ugu danbeeyay siiba waxqabadka sanad- miisaaniyadeedka 2007 lagu jiray dardar gelinta adeegyada Horumarineed iyo kuwa aasaasiga ah ee shacabka Deegaanka . Dabayaaqadii todobaadkan ayaa loo kala diray hogaaminta sare ee deegaanka afarta gobol ee uu ka hirgalay barnaamijka horumarinta Wabiyada iyo dooxooyinka kuwaasoo kala ah Gobolada sittii, liibaan afdheer iyo shabeele.

Hadaba sida uu wariyaha noo jooga Gobolka Siti uu ku soo waramayo waxaa waxaa manta si rasmi ah u guda galay wajibaadkii shaqo kooxdii gobalka sitti oo ka koobnaa Masuuliyiin heer Deegaan ah kanamid ahaayeen wasiir ku xigeenka xafiiska tababaradda iyo xirfadaha Mudane abubakar max'ed khaliif, wasiir kuxigeenka caafimaadka mudane C/fataax siciid, maareeye kuxigeentka maxadka maareynta saney xasan raage iyo maareeye kuxigeenka shirkadda dhismaha biyaha guuleed jabane ee DDSI.

Waxaa weftiga si weyn ugu soo dhoweeyay gobolaka sitti maamulka iyo shacabka gobolka iyaadoona intaa ka dib ay kulan balaadhan ku yeesheen xafiiskaa maamulka Waftiga heer Deegaan,Maamulka Gobolka iyo masuuliyiin heer federal ah oo daraasaad ka samaynayay heerka ay gaadhsiisan yihiin hirgalinta mashaariicaha ka faaiidaysiga wabiyada iyo dooxooyinka eek u aadan Waraabka,Waxsoosaarka beeraha iyo Barnaamijka dibudejinta Qoysaska oo ay garab socdaan Qaybaha horumarka aasaasiga ah sida waxbarashada,caafimaadka,beeraha iyo biyaha.

Waxaa shirkaas oo uu hogaaminayay Gudoomiyaha Gobolka Sitti mudae Cabdi Cumar Camuud lagu lafaguray waxqabadka baaxadda weyn ee barnaamijka horumarinta dooxoyinka iyo waraabka oo loogu talagalay in ay ka faa'iidaystaan waxsoosaarka beeraha sanadka 2007 in ka badan 4600 oo qoys.

Warka ayaa intaa ku daraya in kulankii maanta dhexmaray waftiga iyo Maamulka Gobolka Sitti natiijadiisu ku dhamaatay in lasameeyo assessment guud oo ku wajahan sida uu dhaqangalka u yahay Barnaamijkani halka ay badanka mashaariicdu marayaan gebogebo gaar ahaan goobaha dib udejinta sida meete, biyo baxay, harawo, gabi kadibna la qabto shirweyne lagu dardargelina dhamaystirka mashaaricda horumarka iyo dib u dejinta halkas oo qorsha shaqqedka la qaatay lagu soo gaba gabayn doono muddo 2 bilood ah.

Isku soo wada duuboo Barnaamijka Dibudejinta iyo waraabka loogagafaaiidaynayo wabiyada iyo Dooxooyinka shacabka 4ta Gobol ayaa ay Natiijo aad u wanaagsan oo yididiilo leh iyadoona Gobolka Sitti ka mid yahay Goobaha Mashaariicaha ugu waawayn dhanka waraabka laga hirgaliyay.