Ramadan Kariim 



 

      

Madaxwaynaha DDSI Iyo Wafti Wehelinaysay Oo Maanta U Anbabaxay Dhanka Magaalada Assosa Ee Deegaanka Benishangul-Gumuz.

Jigjiga(CN) Khamiis.Dec.04.2014, Waxaa maanta magaalada Jigjiga ka anbabaxay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo wafti kuwehelinaysay oo ay kamid ahaayeen gudoomiyaha xisbiga ahna afhayeenka baarlamanka DDSI mudane Maxamed Rashiid Isaaq, wasiirka dakhliga DDSI mudane Axmed Maxamed Shugri, Madaxa xarunta dhexe ee XDSHSI mudane Cabdicasiis Maxamed Cabdi, maareeyaha guud ee kulliyada waxbarshada ee Dr. Cabdimajiid  mudane C/laahi Yuusuf Weerar iyo masuuliyiin kale.

Madaxwaynaha iyo waftigan ayaa u anbabaxay si ay uga qayb qaataan munaasibada wayn ee maalinta qoomiyadaha Itoobiya oo kadhacaysa magaalada Assosa ee deegaanka Benishangul-Gumuz. Munaasibadan oo noqonaysa xuskii 9aad ee maalinta qoomiyadaha Itoobiya ayaa laqabtaa sanad walba 29 bisha Hidhaar ee tirsiga taariikhda dalka oo ku aadan maalinta iniinta ee fooda inagu soo haysa.

Munaasibadan qaran oo ahmiyad wayn u leh shucuubta iyo qoomiyadaha reer Itoobiya astaanna u ah walaaltinimada qoomiyadaha ayaa waxaa kasoo qayb gala madaxda dalka iyo deegaanada, masuuliyiin iyo marti sharaf aad u balaadhan.

Waxaa xusid mudan in munaasibadii 8aad ee xuska qaranka maalinta qoomiyadaha lagu qabtay xarunta DDSI ee magaalada Jigjiga taasoo ahayd markii ugu horaysay ee deegaanka lagu qabto munaasibad qaran oo waynidaas leh islamarkaana taariikh gaar ah u ahayd deegaanka Soomaalida Itoobiya.