Masuuliyiin Isugu Jiray Heer Deegaan Iyo Gobol oo Booqday Mashaariicaha Waraabka Danbal

Danbal(CN)sabti Dec-06-2014.Waxaa hubaal ah in Xukuumada Maanta talada eegaanka haysaa in ay 4tii sano ee ugu danbaysay in ay xooga saartay ka jawaabista degdega ah ee Bulshada iyo Kor uqaadida heerka isku-filnaanshaha iyo Nolol maalmeedka shacabka Deegaanka islamarkaana loo dejiyay Qorsheyaal lagula dagaalamayo Saboolnimada iyo Cunto yarida si kor loogu soo qaado Kobaca dhaqaale ee Shacabwaynaha DDSI.

sidoo kale waxaynu wada ogsoonahay in la hirgaliyay Qorshaha Xoolo-dhaqatada Deegaanka loogu bedelayo Xoolo-dhaqato-Beeralay ka faaiidaysata waxsoosaarka Beeraha iyo adeegyada aasaasigaah ee Dawlada waxaana siweyn xukuumadu u daradar gelisay dhamaan adeeyadda aasaasiga ah ee bulshadda sida waxbarashada, caafimaadka, Biyaha, Beeraha iyo kaabayaaha dhaqaale.

Waxaa xusid mudan in barnaamijka Horumarinta Qarniga (MDG) iyo barnaamijka la dagaalanka saboolnimadda dalka iyo deegaankaba ay ku cad yihiin jihooyin horumarineed oo ka turjumaya siyaadda horumarka dalka iyo deegaanku hiigsanayaan kuwaas oo ay hormuud utahay barnaamijka ka horumarinta iyo ka faa'iidaysiga webiyadda iyo dooxooyinka. kaasoo ujeedaiisa guud tahay in dalka iyo degeankuba gaadhan isku filaansho nololeed oo dhinaca cuntadda ah iyo in dalka iyo deegaankuba noqdaan tusaalaha wax soosarka dhinaca ka faaidysiga waxsoosaarka dalagyada beeraha ee geeska qaaradda afrika.

Dhanka kale Waxaa xusid mudan in Xukuumada DDSI ay natiijo yididiilo leh ka soo hoysay hirgalinta barnaamijka Horumarinta wabiyada iyo Dooxooyinka loogaga faaiidaynayo Dibudejinta Qoysaska Xoolo-dhaqatada ah si ay uga najaxaan Saboolnimada taasoo tusaale u noqotay Deegaanada DFI ee uu si la mida uga socdo Barnaamijkani.

Xukuumada ayaa dhawaan waxaa ay hawl-gelisay kooxo isugu jira hogaaminta sare iyo khabiiro ka kooban xafisyadda Heer Deegaan ee ku taxaluga adeeg-bixinta shacabka iyo hirgalinta barnaamijka ka faa'iidaysiga dooxooyinka iyo webiyadda oo laga hirgalyay goboladda sitti, shabeelle, afdheer iyo liibaan.

Hadabba waxaa maanta kormeer hawleed ku tegay degmadda danbel qabalaha biyo baxay masuuliyiin heer deegaan ee u xilsaarnayd Kormeerka iyo Qiimaynta Mashaariicaha Waraabka iyo Dibudejinta laga hirgaliyay Goobo ka mida Gobolka Sitti masuuliyiintaas oo ay ka mid yihiin Wasiir ku xigeenka xafiiska tababaradda iyo xirfadaha Mudane Abubakar max'ed khaliif, Wasiir kuxigeenka caafimaadka mudane C/fataax Siciid iyo Maareeye kuxigeentka machadka maareynta Saney xasan raage.

Waxaa halkaas bulshadda kulalahadlay masuuliyiintii heer deegaan oo warbixin kooban kasiiyay qorshayaasha iyo ka go'naansha dowladda in ay ka midho dhaliso xasiloonidda iyo sugnaanta iskufilaanshaha quudak nolosha ee dadkao iy dalka itoobiya.

waxaa halkaa si weyn ugu soo dhoweeyay weftida bulshadda biyo baxay oo oday beeraley ah oo magaciisa la yidhaah uu si farxad iyoo muusood leh u yidhi waxaa ilaahay mahadii ah in cimrigaygu igaadhsiiyay meeshii aan ku oomanaa 60 sano in aan beerley waxsoosar natiijo leh ku gaadhay 64 jir anoo aha mahadaana waxaa iska leh DDSI hogaaminteeda oo uu hormood ka yahay Madaxweynah DDSImuadene cabdi maxamuud cumar iyo hogaamintiisa kala duwan ee heer walba leh ee ay ka go'antahay in ay nolosha shacabkooda isbedl la taaban karo ku keenaan gaadhsiiyana noloshooda mid lamid ah nolosha dalalka dhaqalohoodu dhexdhexaadka yahay.

Isku Soo Wada Duuboo 3da Masuul ee ay Magacyadoodu kor ku Xusan yihiin kana kala socda Xafiisyada Heer Deegaan ee kala ah Xafiiska Caafimaadka DDSI,xafiiska tababaradda iyo xirfadaha iyo Kuliyada Maamulka iyo Maaraynta DDSI ayaa badhtanka kaga jira waajibaadkii shaqo ee loo soo diray islamarkaana u kuurgalaya sida ay u socdaan dhamaan mashaaricihii waraabka iyo dibudejinta ee laga dhaqan galiyay Degmooyin ka mida Gobolka Sitti iyagoona kulamo wadatashi ah la qaadanaya maamulada,Qaybaha shacabka iyo Khabiirada Federalka.