CIID MUBAARAK



 

      

Jaaliyadda DDSi Iyo Ururka Dhalinyarada SEDYO USA Oo Casho Sharaf Ku Soo Dhaweeyay Mudane C/raxman BOOTAN Magaalada Minnesota

Minniapolise(CN) Axad Dec-07-2014. Jaaliyada Deegaanka Soomaalida Itoobiya ee ka dhisan Gobolka Minnesota Iyo Ururka Dhalinyarada SEDYO Ayaa Habeenimadii Sabtidii Casho Sharaf Soo Dhawayn Ah ku maamuusay  Maareeyaha Ururka Horumarinta Soomaalida Itoobiya Mudane C/Raxmaan Bootaan Oo Booqasho Shaqo ku Jooga Wadanka Maraykanka.

Casha-Sharaftan Oo Ay Ka Soo Qayb Galeen Qaybaha Kala Duwan Ee Jaaliyada Sida Odayaasha , Dhalinyarada, Iyo Aqoonyahanka Ayuu Maareeyuhu Warbixin Ka Siiyay Xaalada Guud Ee DDSI Iyo Qorshayaasha Ururka Horumarinta Soomaalida Itoobiya Ee Ku Aadan Qurba Joogta Iyo Siday Uga Qayb Qaadan Lahaayeen Geedi Socodka Nabadgalyo, Horumar Iyo Maamulka Suuban Ee Ka Hana Qaaday DDSI.

Mudane C/Raxmaan Bootaan Ayaa Jaaliyada DDSI Ee Minnesota Uga Mahad Celiyay Taageerada Hagar La’aanta Ah Ee La Garab Taaganyihiin Nabadgalyada Iyo Horumarka DDSI Isagoo Sidoo Kalena Ugu Baaqay Inay Sii Laban Laabaan Dadaalkooda.

Dhankooda Xubno Muhiim Ah Oo Jaaliyada DDSI Ee Minnesota Ka Socday Ayaa Ballan Qaaday Inay Ururka Horumarinta Soomaalida Itoobiya Taageero Buuxda Siin Doonaan Isla Markaana Ay Kaalintooda Kaga Aadan Ka Qaadan Doonaan Qorshayaashiisa Dhanka Qurbajoogta Maalmaha Fooda Inagu Soo Haya Ayaa La Filayaa Inay Kulan Ballaadhan Oo Looga Wada Hadlayo Arrimaha Ururka Horumarinta Soomaalida Itoobiya Isugu Iman Doonto Jaaliyadu, Iyadoo Uu Ka Soo Qayb Gali Doono Kulamadaas Maareeyaha Ururka Horumarinta Soomaalida Itoobiya.

Jamal Shukri Af-Hayeenka SEDYO