Xuska 9aad ee Maalinta Qowmiyidaha Hidar 29 oo Si Wayn Dabaaldageedu Uga Socdo Assosa-Abay iyo Guud Ahaan DDSI oo Diyaargaraw Adag Loogu Jiro Xuska Maalinta Qiimaha wayn ugu Fadhida.

Jigjiga(CN) Axad Dec-07-2014. Xuska maalinta Qowmiyadaha iyo shucuubta Reer itoobiya ay heleen Xoriyaadkooda dastuuuriga ah,xuquuqahooda gaarka ah iyo kuwa aasaasiga ah,sinaanta iyo Aqoonsiga oo loogu xudun xidhay 29ka bisha hidar ayaa sanad kasta dalka itoobiya si wayn oo heer qaran ah loogu xusaa Deegaan ka mida maamulada DFI iyadoona sanadkan oo ah markii 9aad lagu xusayo Deegaanka binishangul Gumuz Xaruntiisa Assosa.

Sidoo kale Deegaanka soomaalida itoobiya ayaa ay Dhamaan Gobolada,Degmooyinka,4ta Maamul Magaalo iyo Caasimada Jigjiga si aad u balaadhan looga dareemayaa Diyaargarawga Xuska 9aad ee maalinta Qowmiyadaha iyo Shucuubta oo dalka laga xusi doono Beri oo ah Isniin taariikhduna atahay 29ka bisha Hidar 2007.T.T.I. Dabaaldega Xuska 9aad ee maalinta Hidhar 29 ee sanadkan ayaa hal kudheg looga Dhigay.

A-Dastuurkeenu Wuxuu Heer Sare Gaadhsiiyay Itoobiyaanimadeena iyo Dibucurashadeena.

A-1: Nidaamkeena Federaaligu waa aasaaska Midnimadeena iyo Wadajirkeena.

A-2: Dastuurkeenu Wuxuu joogtaynayaa Sinaanshaha Qowmiyadaha iyo Diimaha.

A-3: Sidaanu u Bilawnay ayaanu u Dhamaystiraynaa Abaay.

A-4:- Midnimada Midow-Qowmiyadadeedkeenu Waa Dibucurashadeena.

A-5: Dastuurkeenu Waa Dhagax-Dhiga aasaaska u ah Dibucurashadeena.

A-6: Anagoo si dhab ah u Hanaaninayna Raadadkii Meles iyo Waxyaabihii Qaayaha lahaa ee uu Dhigay ayaanu xaqiijinaynaa Dibucurashada Itoobiya.

A-7: Isu-dulqaadashadu Waa aasaaska Xoojinta Dimoqraadiyadeena.