Ramadan Kariim 



 

      

Munaasabad Lagu Taageerayay Go'aanadii Shirwaynihii 8aad ee Xisbiga oo Ay soo agaasimeen Ururka Dhalinyarada SEDYO-Sweden Faraciisa oo Si Weyn Looga Xusay linköping.

linköping-Swe(CN) Isniin Dec-08-2014.Ururka dhalinyarada Sedyo-Sweden ayaa si qiimo sare leh u soo agaasimay Munaasabad si wayn loogu wada damaashaadayay taageerada Go'aanadii taariikhiga ahee ka soo baxay shirwaynihii 8aad ee XDSHSI ee ka dhacay fiiq. Munaasabdan oo ay ka soo qayb galeen Qurbajoogta ka soo jee DDSI ee ku dhaqan sweden iyo nawaaxigeeda,Marti sharaf,Hogaaminta Sedyo-sweden,Aaqoonyahanka,Madaxda Jaaliyada DDSI ee Sweden iyo Qaybaha kale ee Qurbajoogta ayaa lagu furay astaanta calanka Deegaanka.

Daadihiyaha munasabadan mudane C/risaaq ayaa ku soo dhaweeyay Cod-baahiyaha Gudoomyaha Sedyo Faraca linköping isagoona furitaankii ka hadlay hawlaha dhalinyarada iyo abaabulka islamarkaana sheegay in ay Taageero iyo bogadin u dirayaan XDSHSI iyo xukuumadba Guulaha iyo isbedelada ay deeganka ka taabogaliyeen sanadihi ugu danbeeyay intaa ka dibna codbaahiyaha ku wareejiyay Gudoomyaha Guud ee SEDYO-Sweden Maxamed sheekh xasan Huways oo sharax dheelitiran ka bixiyay Waxqabadka Xukuumada iyo Xisbiga talada deegaanka haya ay mudo gaaban ku gaadhsiiyeen Bulshadaka Horumar baaxad wayn,N/galyo,Maamul Saxar-Tiran iyo adkaynta auurida xidhiidhka wanaagsan ee ay xukuumadu ku abuurtay Qurbajoogta.

Sidoo kale waxaa ka hadlay Xafladan Gudoomiyaha jaaliyada Mudane Shamsudiin,Culu'maaudiin,Aqoonyahanka iyo Maalgaliyayaal Ganacsi oo uu ka mid ahaa Mudane C/rashiid kuwaasoo wadar ahaantood hoosta ka xariiqay in ay Muqadas ku tahay Guud ahaan Shacabweynaha Deegaanka Dal iyo Dibadba Taageerada Go'aanadii Dhaxal-galka ahaa ee Ruuxda Xisbinimo ee ka soo baxay shirwaynihii 8aad ee XDSHSI ee lagu qabtay Xarunta Gobolka nogob ee magaalada Fiiq. dabaaldaega maalinta qowmiyadaha iyo shucuubaha reer itoobiya oo sagaal jirsaday.