Ramadan Kariim 



 

      

Xuska 9gaal Jirsaday ee Maalinta Shucuubta iyo Qowmiyadaha Hidar 29 oo si Wayn looga Xusay Yemen. Sanca(CN)

Xuska 9gaal Jirsaday ee Maalinta Shucuubta iyo Qowmiyadaha Hidar 29 oo si Wayn looga Xusay Yemen. Sanca

Arbaco (CN) Dec-10-2014. Sidaynu wada ogsoonahayba Xuska maalinta Qowmiyadaha iyo Shucuubta reer itoobiya Hidar 29 ayaa si wayn loogu dabaaldagaa Dalka iyo Dibadaba,maadaama ay qiimo wayn ugu fadhido maalintani dhamaanba Qowmiyadihii la soo cadaadin jiray oo ay maalintani ka dulqaaday Heeryadii iyo dibindaabyooyinkii macangagnimo ee ay dhaxalsiiyeen Talisyadii Dhiigya cabka ahaa ee dalka soo maray ka hor Curashadii neecawda dimoqraadiyadeed ee laga dhaxlay halgankii EPRDF.

Hadaba gudaha Safaarada ay DFI ku leedahay Dalka Yemen ayaa si heer sare oo ay shucuur iyo qadarin wadaniyadi ku dheehan tahay wadar ahaan loogu xusay 9-Guurada Hidar 29 ee maalinta Qowmiyadaha iyo Shucuubta DFI.

Munaasabadan ayaa sida uu warku sheegayo waxaa dhabarka u ritay abaabulka iyo soo agasimideeda jaaliyada DDSI ee Yemen iyadoona ay ka soo qaybgaleen Safiirka DFI u fadhiya Sanca,Masuuliyinta Safaarada,MadaxDawlada yemen ka socotay iYo dhamaan Qurbajoogta Deegaanada kale,sidoo kalana Qurbajoogta soomaalida iyo Ganacsatada.

Qowmiyadaha ayaa xafladan mid walbaa ay ku soo bandhigtay waxyaabaha dhaqanka u ah taasoo waxyaabihii iyo muuqaaladii dhaqanka iyo hidaha ee ay soomaalida itoobiya ku soo bandhigtay aad loogu wada riyaaqay islamarkaana lagu tartan siiyay waxyaabaha ay Qowmiyaduhu soo bandhigaan in lagu tartansiiyo islamarkaana Qiimaha lagu iibsado loogu deeqo Biyo-xidheenka Abbay iyadoona jaaliyada Soomaalida oo soo bandhigtay Shuuro Subag iyo Caano leh aykaalinta 1aad ku gashay Qiimo lacageedoo Dhan 700$ kaasoo ahaa qiimihii ugu sareeyay ee Tartankalagu iibsado saamiga Biyo-xidheenka Qarniga.

Safiirka ayaa aad uga mahadceliyay jaaliyada soomaalida itoobiya ee Yemen hawlkarnimada iyo dadaalada hagar la'aaneed ee ay ka qaataan hawlaha Qaranka iyo xidhiidhka safaarada tilmaamayna in ay hormuud u yihiin jaaliyadaha kale kuna booriyay jaaliyadah kale in ay ku daydaan Jaaliyada Sooaalida.

Gudoomiyaha Jaaliyada Yemenmudane C/rashiid ayaa sheegay in ay aad ugu hanwayn yihiin Waxqabadka iyo Isbedelada kobaca dhaqaale ee uu Dalku ku talaabsaday gaar ahaan sanadihii ugu danbeeyay isbedelada baaxada wayn ee ka hirgalay DDSI mudadii uu xilka hayay Madaxwayne mudane CMC islamarkaana balan qaaday in jaaliyadaSoomaalida itoobiya ee dalka Yemen in ay markasta hawlaha Qaran iyo maalgashiga DDSI ay kaalin muuqata ka qaadan doonaan.