Ramadan Kariim 



 

      

Masuuliyiin Heer Deegaan ah iyo Khabiiro ayaa Socdaal Qiimayn ah Ku Maraya MashaariicahaDibudejinta ee Laga Hirgaliyay Gobolka Liban.

Dollo-Addo(CN) Khamiis Dec-11-2014. Masuuliyiinta kor ku xusan oo ka mid ahaa Hawlgalkii Xukuumadu ugu kala dirtay Masuuliyiinta xafiisyada ku shuqlan barnaamijka ka faaiidaysiga wabiyada iyo Dooxooyinka lagu dejinayo Qoysaska Agagaarada Wabiyada 4 Gobol ayaa socdaalkoodii ka billaabay degmada doolo-addo ee Gobolka Liibaan Iyadoona meelaha dadka la dejiyey  ay kamid ahaayeen Kaliminsige, Bardalay, Shaambal,Helawayn, Koolle, Malkadiida, Aaminow, Hoolmooge, Sabalalay, Suuftu02, Booryaale, Fiiqow,Dhaytuli,Wadluhube,Saday,Raama,Dhariburis, Bacadwayn iyo Beraran  Sida ku suntan Qorshaha Xukuumada.

Degmada Doollo addo ee Gobolka Liban ayaa waxaa loo qorsheeyay sanadkan 2007 in la dejiyo Qoysas dhan 1850 kuwaasoo loogu talo galay in la kala dejiyo 19 goob dejineed waxaana lagu guulaystay wakhti xaadirkaan in ladejiyo 1185 qoys oo u dhiganta in la fuliyay 64% qorshihii guud ee degmada doollo addo u yaalay sanadkan iyadoona qoysaska ka dhiman Qorshaha Dejinta la filayo in lagu soo gabagabeeyo inta ka horaysa yekatit 2007.

Masuuliyiintan oo uu hogaaminayay Wasiirka Horumarinta Wabiyada iyo Dooxooyinka DDSI mudane Ibraahin Maxamuud Mubaarak ayaa maamulada iyo Qoysaska ka faaiidaysanaya barnaamijka ka faaiidaysiga wabiyada iyo dooxooyinka ee xoolo-dhaqatada loo bedelayo Xoolo-dhaqato Beeraley leh nolol degan oo ay Dawladu ku gaadhsiiso adeegyada aasaasiga iyo kaabayaasha dhaqaalaba.


Maamulka iyo Qoysaska la dejiyay ayaa ka warbixiyay sida ay waxsoosaarka beeraha ugaga faaiidaysteen islamarkaana ay noloshoodii kor ugu soo kacday iyagoona sheegay in Xukuumadu ay u qaybisay matooro ay tiradoodu dhan tahay 889 si bulshada ugaga faaiidaysato dhul beereedka loo qaybiyey ee loogu talogalay in ay barnaamijkan dejinta uga faaiidaystaan.


warka ayaa intaa ku daraya in Goobaha dejinta laga hirgeliyey adeegyadii horumarineed ee aasaasiga ahaa sida biyaha, caafimaadka dadka, caafimaadka xoolaha, waxbarashada iyo adeegyada tayada sare ee waxsoosaarka beeraha taasoo wax wayn ka bedeshay Noloshii iyo kobaca dhaqaale ee Qoysaskii danyarta xoolo-dhaqatada ahaa kuwaasoo mahadiyay meertada Cusub ee xoolo-dhaqato beeralayda.