Ramadan Kariim 



 

      

Maareeyaha Guud ee Wakaalada Dhismaha Iibka Iyo Adeega Gaarka ah DDSI oo Kawarbixiyay Waxqabadkii Mashaariicaha Horumarineed ee Dhismayaasha Iibka Iyo Adeega Gaarka ah.

Jigjiga(CN) Khamiis.Dec.11.2014, xukuumada deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa dajisatay qorshayaal horumarineed oo shan sano ah islamarkaana ka jawaabaya baahiyaha shacabka korna loogu qaadayo koboca dhaqaalaha deegaanka.

Si haddaba loogaadho halka hayaanka himilada horumarineed tahay, waxaa jira hay’ada dawli ah oo heer deegaan
ah islamarkaana gacanta ku haya dar dargalinta hawlaha horumarineed iyo wakaalada kala duwan oo ku aas aasan dastuurka dib loo habeeyay ee dawlada deegaanka Soomalida Itoobiya.

Haddaba wakaaladahaasi waxaa ka mid ah wakaalada dhismaha iibka iyo adeega gaarka ah ee ciidanka booliska gaarka ah ee DDSI, taasi oo la aas aasay sanadkii 2005 T.I. Waxayna xukuumadu u aas aastay ka qayb’qaadashada dar dargalinta  hoos u dhaadhicinta qorshayaasha horumarineed ee laga hirgalinayo ilaa heer tuulo iyo tuulo hoosaad.

Maadaamo ciidamada booliska gaarka oo ka dhashay ilintii shacabka DDSI ay dhinaca nabadgalyada ka soo hooyeen guulo wax ku ool ah oo ka taamyeelay dhamaan deegaanka Soomalida Itoobiya ayaa waxaa loo baahday in ay xukuumadana kala qayb qaadaan dhinaca horumarka guulana ka soo hoyn karaan dhinaca horuamarka iyo kor u qaadida koboca dhaqaalaha DDSI.

Haddaba maareeyaha guud ee wakaalada dhismaha iibka iyo adeega gaarka ah DDSI mudane Nasradiin Maxamed Muxumed oo maanta xafiiskisa ugu waramayay warbaahinta deegaanka ayaa waxa uu si qoto dheer uga warbixiyay guud ahaanba mashaariicaha horumarineed ee ay wakaaladu ka hirgalisay deegaanka iyo kuwa ay hadda gacanta ku hayso.

Maareeyuhu mar uu ka waramayay mashaariicaha ay sanadkan hirgalisay wakaaladu iyo kuwa ay hadda gacanta ku hasyo ayaa waxa uu yidhi:

"Waxay wakaaladu sanadkan wadaa 40 mashruuc oo ah mashaariicaha dhinaca horumarka haddii aan ku horeeyo  mashaariicaha dhinaca biyaha oo xukuuamda DDSI ahmiyada 1 aad 2 aad 3aad iyo 4 aadba siisay dhinaca biyaha sidii bulshada deegaanku looga haqab tirilahaa baahiyaha dhinaca biyaha, waxay wakaaladu ka wadaa hadda deegaanka 11 mashruuc. Kuwaasi oo ay kamid yihiin mashruuca biyo xidheenka 1 haardhagax ee degmada Dhagax
madow, 2 mashruuca biyo xidheenka Lahelow ee degmada Wardheer, 3 mashruuca biyo xidheenka tuulada sanwayne ee degmada qabridahar, 4 mashruuca biyo xidheenka Dhuxun, 5 mashruuca biyo xidheenka degmada Hudet, 6 masharuuca biyo xidheenka tuulada Jalanqo ee degmada Mubaarag.

7 mashruuca biyo xidheenka tuulada Kudunbuur ee degmada Qabrihadar, 8 mashruuc dhismaha kaydka biyaha ee magaalada Wardheer, 9 mashruuca dhismaha 42 barkadood oo barnaamijka biyo kaydinta ah kuwaasi oo laga fulinayo 21 tuulo islamarkaasina tuulo kasta 2 barkadood looga dhisayo, waxaana laga fulinayaa Gobolada  Nogob, Qoraxay, Jarar, Doolo iyo Faafan, 10 mashruuca biyo galinta Fiiq-Xamaro iyo Gasaangas oo ay si wada jir ah iskaga kaashanayno wakaalada dhismaha hawlaha biyaha DDSI, 11 mashruuca biyo xidheenka balaadhan oo haadan dhismihiisa 75% la soo gabagabeeyay kaasi oo ah biyo xidheenka santarka Malqaqa ee ka tirsan degmada Goljano, mashruucaasi  oo ah biyo xidheenkii ugu waynaa ee abid deegaanka laga dhiso."

Maareeyuhu sidoo kale waxa uu ka warbixiyay in ay wakaaladu guulo wax ku ool ah oo gashi horumarineed u noqonaya guud ahaanba deegaanka ay ka soo hooyeen dhinaca jidadka kuwaasi oo wax wayn ka taraya dhinaca amniga, isku socodka bulshada deegaanka, kor u qaadida koboca dhaqaalaha iyo ganacsigaba deegaanka.

Dhinaca kale waxa uu tilmaamay masuulku in ay wakaaladu wado dhismayaal tiro badan oo dhinaca mashaariicaha
caafimaadka ah iyo dhismayaasha gaarka oo uu ka mid yahay dhismaha terminaalka iyo dhismayaasha guryaha martida ah.

Isku soo wada duub oo mashaariicahan aan kor ku soo xusnay ayaa waxa uu masuulku ku tilaamay in ay iskugu jiraan kuwo dhamaaday, kuwo socda, kuwo gabagabo kudhow iyo kuwa hadda ay qandaraaskooda wakaaladu qaadatay.

Ugu danbayntii waxaa muddadii 2 sano ahayd ee ay wakaaladani aas aasan tahay ay guulo la taaban karo oo dhaxal gal ah gashi horumarineedna u noqonaya qorshayaasha GTP iyo kan deegaanka ee SPM, islamarkaasi waxay u babac dhigto in ay ka soo dhaamiso goobo aan hadda ka kor aan la hawaysan jirin in laga hiragaliyo mashaariico horumarineed. Waxaa kale oo xusud mudan in mashaariicahan dhamaatay ay wakaaladu ku soo gabagabaysay wakhti kooban islamarkaasi tayaysan.