Ramadan Kariim 



 

      

Mashaariica waraabka iyo Dibudejinta Gobolka Sitti oo Ay Waftiga Masuuliyiinta Heer Deegaan Ka Bixiyeen in ay ka soo baxeen Ifafaalo Horumarineed.

Shiniile(CN) Jimce Dec-12-2014.waxaa beryahanba xukuumaddu DDSI daradragelisay qorshayaasha2007, kuwaas oo ay ka mid yihiin barjaamijka ka faa'iidaysiga dooxoyinka iyo webiyadda oo ah Qorshayaasha ugu dhumucda wayn ee jihooyinka lagaga midho dhalinayo qorshayaasha ugu waaweyn ee MDG laguna dhimayo Saboolnimada iyo taabogalinta Damaanada Cuntada (barnaamijka horumarinta qarniga iyo kabixista saboolnimadda iyo sugidda ama iskufilaansha cuntadda (food security). waxaa todobaadadii ugu danbeeyay ku sugnaa goboladda sitti, shabeelle, afdheer iyo liibaan weftiyo heer deegaan oo isugu jiray hogaaminta sare iyo khabiiro ka kalasocday xafiisyadda heer deegaan.

sida uu noo soo tebiyay weriyahayga sitti Xasan Cabdi waxaa maanta ka dhacay shir balaadhan xafiiska maamulka gobolka sitti oo ku saabsanaa warbixinta falanqaynta qiimayn ay soo sameeyaeen masuuliyiinta iyo khabiiradda heer degaan todobaadadii ay halkaa ku sugnaayeen kuna wajahnaa Mashaariicaha waraabka iyo Dejinta Qoysaska loogaga faaiidaynayo waxsoosaarka beeraha lagu horumarinayo ka faaidaysiga wabiyada iyo dooxooyinka.

Shirkan ayaa uu hogaaminayay Gudoomiyaha Gobolka mudane Cabdi Cumar iyadoona ay kasoo qayb galeen shirkadihii iyo xafiisyadii ay khusaysay, kadibna laysla qaatay qorshayaal ay ka mid yihiin abuurida golayaal joogto ah oo lagu dardar geliyo habsami u socodka shaqooyinka dib udejinta gobolka sitti oo uu ugu horeyn doono shir lagu lafaguri doono oo ka dhici doona magaaladda diri-dhaba khamiista soo socota.

Waxaa kaloo gudida masuuliyiinta heer Deegaan oo kala ah Wasiir ku xigeenka xafiiska tababaradda iyo xirfadaha Mudane Abubakar max'ed khaliif, Wasiir kuxigeenka caafimaadka Mudane C/fataax Siciid iyo maareeye ku-xigeentka machadka maareynta Saney Xasan Raage iyo maareeye kuxigeenka wakaaladda dabagalka iyo nashqadaynta Mudane Haadi Maxamed ay booqdeen inta badan Mashaariicaha waraabka iyo Dibudejinta.

Dhanka kale waxaa socdaal shaqo lagu tegay Harawa oo lasoo indha indheeyay tijaabo dhamaystiran oo lagu eegayay sida systemka guud ee ceelasha iyo silsiladda waraabka beeruhu ushaqaynayaan mashruuca harawo oo ay gudidu ku goodiyeen in aynan jigjiga ku soo noqon doonin ilaa ay arkaan Dejinta qoysaska iyo waxsoosaarkoodaba.oo si guul ah ku dhamaatay.

Isku soo wada duuboo waxay masuuliyiintuu sheegeen in yididiilo iyo kalsooni buuxda ay ka qabaan in bishan gudheed laga faa'iidaysan doono barnaamijka dibudejinta harawo.