Ramadan Kariim 



 

      

Tababar Lagu Gorfaynayay Sii Xoojinta Nidaamka Maaliyadaha (PFM) Loona Qaybtay Dhamaan Xafiisyada Maaliyadaha Degmooyinka Iyo Maamulada Magaalooyinka DDSI oo Maanta Kafurmay Jigjiga.

Jijiga(CN) Jimce.Dec.12.2014, waxaa maanta gelinkii danbe ka furmay hoolka shirarka ee kuliyada maaraynta iyo adeega shacabka DDSI tababar uu soo diyaariyay xafiiska maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaaha DDSI.

Tababarkan oo loo qabtay dhamaan masuuliyiinta xafiisyada maaliyadaha degmooyinka iyo maamulada magaalooyinka DDSI ayaa waxay ujeedadiisu ahayd in maaliyadaha degmooyinka iyo maamulada magaalooyinka lagala xaajoodo sidii loo adkayn lahaa habsami u socodka iyo dar-dar gelinta shaqo ee ku shaqynta nidaamka iyo habraacyada shuruucda maaliyadeed ee dalka iyo kuwa DDSI.

Waxaana furitaankii kulankaasi ka soo qaybgalay masuuliyiinta ugu saraysa xafiiska maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha oo uu ka mid yahay wasiirka maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha DDSI mudane Axmed Cabdi Maxamed, wasiir ku xigeenka maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha DDSI mudane Jamaal Faarax Warmooge, agaasinada waaxaha xafiiska maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha iyo masuuliyiinta xafiisya maaliyadaha degmooyinka iyo maamulada magaalooyinka.

Waxaana furitaankii tababarkaasi ugu horayntii ka hadlay wasiirka maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha DDSI mudane Axmed Cabdi Maxamed  isaga oo ugu horayntii tilmaamay in uu xafiiska maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha DDSI yahay mishiinada ugu waawayn ee ay xukuumadu kaga midho dhalinayso hayaanka himilooyinka hirgalinta qorshayaasha horumarineed kor u qaadida koboca dhaqaalaha iyo la dagaalanka saboolnimada.

Waxaa kale oo uu wasiirku ka waramay ahmiyada uu tababarkani leeyahay isaga oo ku tilmaamay in uu nodon doona mid gashi horumarineed u noqon doona  hagayaasha iyo habraacyada nidaamka qul’qulka maaliyadaha deegaanka.

Waxaa kale oo uu sheegay  wasiirku in dalka iyo deegaankuba hada ay siwayn ula jaan qaadayaan wadamada uu dhaqaalahoodu dhex dhexaadka yahay sidaasi darteedna ay muhiim tahay in lagu shaqeeyo nidaam maaliyadeed oo casriya kuna salaysan shuruucaha miisaaniyadaha. Isaga oo wasiirku ku booriyay  masuuliyiinta ka soo qayb gashay tababarkan in ay si mug leh uga qaybqaataan inta uu socda fahan buuxana ka qaatan.

Waxaa kale oo tababarkasi furitaankiisii ka hadlay  wasiir ku xigeenka maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha DDSI mudane Jamaal Faarax Warmooge wuxuuna si durugsan uga warbixiyay ujeedooyinka tababarka iyo ahmiyada uu leeyahay isaga oo sheegay in loogu tala galay in lagu xoojiyo in ay masuuliyiinta xafiisyadaha maaliyadaha degmooyinka iyo maamulada magaalooyin  fahan buuxa ka qaataan jihooyinka shuruucaha maaliyadaha casriga ah ee ka jira dalka iyo caalamka lagana soo saaridoono hirgalinta shuruucaha maaliyadaha oo casriya.

Haddaba, mudada uu tababarkani socdo waxay Gadhwadeenada Xafiiska Maaliyada iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee DDSI ayaa soo jeedin doona cashiro ku saabsan Nidaamka helista  Xogaha Horumarineed oo hufan, Dabagalka khayraadka dibada iyo haya’daha aan dawliga ahayn, maamulka lacagaha marin marinada koowaad iyo labaad ee deeqaha dibada (Financial management system of Channel one and channel two programs), Nidaamka diyaarinta Qorshaha natiijada ku salaysan iyo geedi-socodka Miisaaniyad diyaarinta, nidaamka Maamulka kharashbixinta iyo Xisaabaadka, Shuruucda Iibka Dawlada, ahmiyada hantidhorka gudaha iyo shuruucda Hantidhowrka gudaha iyo  nidaamka aalada casriga ah ee computerka loo adeegsado Ee IBEX sytemka.

Ugu danbayn waxaa tababarkan oo sii socondoona maalmaha soo socda ayaa  ka soo  bixi doona natiijo aad wax uga badali doonta nidaamka Maamulka Maaliyadeed ee Demooyinka iyo Magaalooyinka DDSI.