CIID MUBAARAK



 

      

Qaar Kamid Ah Xukuumada DDSI Oo Maanta Garoonka Diyaaradaha Ee Garaad Wiil Waal Intentional Airport Kusoo Dhaweeyay Gudoomiyaha Jahliyada Linkoping Ee Wadanka Sweden.

jiga(CN) Sabti.Dec.13.2014,  waxaa maanta garoonka diyaaradaha ee garaad wiil waal international Aiport ee magaalada jigjiga si meeqaam sare ah loogu soo dhaweeyay gudoomiyaha jahliyada Linkoping ee wadanka Swedan mudane Yaasiin Shekh Rashiid, oo uu socdaalkan ku wehelinayay mudane Cabdirisaaq  Maxamed oo ah   aqoon yahay in badan ka soo shaqeeyay deegaanka. Balse sanadihii ugu danbeeyay ku noolaa wadanka Swedan.

Haddaba waxaa saaka si diiran ugu soo dhaweeyay ga’gida diyaaradaha masuuliyiin ay ka mid yihiin wasiir ku xigeenka qurba joogta DDSI mudane Bashiir Maxamed Cabdilaahi, maareeyahaya wakaalada jidadka DDSI mudane Nimcaan Cabdi Obolas,  maareeyahaya wakaalada dhismaha iibka iyo adeega gaarka DDSI mudane Nasradiin Maxamed Muxumed, maareeye ku xigeenka wakaalada dakhliga DDSI mudane Cabdilaahi Garbo iyo masuuliyiin kale.

Waxaana qolka nasashada ee garoonka diyaaradaha ugu waramay warbaahinta deegaanka gudoomiyaha jahliyada gobolka Linkoping ee wadanka Sweden isaga oo ugu horayntii si mug leh ugu mahad naqay diiran ee ay xukuumadu ugu soo dhawaysay deegaanka iyo guulaha horumarineed nabadgalyo  ee ay sanadihii ugu danbeeyey soo hoysay xukuumada DDSI.

Wuxuuna sheegay in ay maanta u tahay maalin quluubtiisa farxadi buuxisay maadaamo oo uu ku soo noqday deegaankiisii oo horumar xawliya xasilooni buuxda ay ka jirto ujeedada socodkiisuna tahay in uu maalgashi hadda ka sameeyo deegaanka.

Waxaa kale oo isaguna la hadlay warbaahinta deegaanka mudane Cabdirisaaq Maxamed Macalin oo ah, aqoon hore uga soo shaqeeyay deegaanka siwayna uga qaybqaadan intii uu ka shaqayn jiray deegaanka  hawlaha dhinacyada horumarka iyo nabadgalyada DDSI balse sanadihii ugu danbeeyay ku noolaa wadanka Sweedan.
Wuxuuna si qoto dheer uga warbixiyay guulaha horumarineed ee ay xukuumada sanadihii ugu danbeeyay ka soo hoysay dhinacyada horumarka nabadgalayada kor u qaadida koboca dhaqaalaha abuurida ilaha shaqada iyo la dagaalanka saboolnimada iyo sii xoojinta a isku xidhka xidhiidhka qurba joogta iyo xukuumada.

Dhankooda waxa iyaguna warbaahinta la hadlay wasiir ku xigeenka qurba joogta mudane Bashiir Maxamed Cabdilaahi iyo maareeyahay wakaalada jidadka DDSI mudane Nimcaan Cabdi Obolas oo labadooduba si mug leh uga warbixiyay sida ay xukuumada markasta uga go’antahay sii xoojinta dar dargalinta xidhiidhka ay xukuumada la leedahay qurba joogta DDSI markastana ay xukuumada diyaar u tahay soo dhawaynta qurba joogta u dhalatay deegaanka ee ka qayb qaadanaya hawlaha horumarka ee maalgashiga ka samayana deegaankooda.
Waxayna masuuliyiintani hoosta ka xariiqeen sida balaadhan ee ay jahliyadaha u dhashay deegaanka ee kunool daafaha aduunka ay si mug leh ugala qayb qaadaan xukuumada hirgalinta qorshayaasha horumarka ee sida xawliga ah uga hirgalay guud ahaanba deegaanka.