Ramadan Kariim 



 

      

Madaxwayne Ku-xigeenka Ahna Wasiirka Madaxtooyada DDSI ayaa Maanta Xafiiskeeda ku Qaabishay Qurba-joog u dhalatay Deegaanka Gaar ahaan Gobolka Nogob oo iskugu jirta Dhakhaatiir iyo Maalgashadayaal.

Jigjiga(CN) Isniin Dec-16-2014. Waxaa xaqiiq ah, in dadaaladii dheeraa ee ay xukuumada DDSI ee maantu sanadihii ugu danbeeyay u gashay dar-dargalinta Qorshayaasha Horumarineed, N/galyada, Maamulka saxar-tiran sii xoojinta isku-xidhka Qaybaha Bulshada iyo ka midho dhalinta xidhiidhka qurbajoogtu la leedahay xukuumada DDSI, ay ka mid noqotay maanta laamaha ugu dhumucda wayn noqotayna gashi horumarineed ee si xawliya uga qayb qaadanayo hirgalinta qorshayaasha horumarineed.

Waxana maalinkasta ku soo biiraya deegaanka tirada maalgashadayaasha u dhashay deegaanka ee u imanaya in ay maalgashi ka samaystaan deegaanka kuwaasi oo wakhtiyadii hore ka aaminsanaa deegaanka aragtiyo guracan balse markii ay hogaaminta xukuumada DDSI ka saartay shoocaacii u dhexeey qurba joogta iyo DDSI uu si mug leh u hirgalay ka wada shaqaynta qorshayaasha horumarineed.

Haddaba waxaa maanta ay madaxwayne ku xigeenka ahna wasiirka madaxtooyada DDSI marwo sucaad ahmed faarax ay xafiiskeeda ku qaabixay qaar ka mida qurba joogta u dhalatay DDSI gaar ahaana ka soo jeeda gobolka Nogob oo booqasho ku jooga xarunta deegaanka ee magaalada jigjiga.

Qurba joogtan oo iskugu jirtay dhakhaatiir iyo maalgashadayaal ayaa waxaa dhinaca xukuumada ku wahelinayay kulankaasi maareeye ku xigeenka wakaalada ilaalinta deegaanka iyo horumarinta macdanta iyo tamarta DDSI mudane cabdirisaaq dayib xassan.

Waxaa kulankaasi ugu horayntii ka hadlay madaxwayne ku-xigeenka DDSI ahna wasiirka madaxtooyada DDSI marwo sucaad ahmed faarax oo ugu horayntii qurba joogta si meeqaam sare ah ugu soo dhawaysay deegaankoda waxayna sharaxaad dheer ka siisay qurba joogtan fursadaha maalgashi ee uu deegaanku hodanka ku yahay iyo in ay xukuumadu si wayn u soo dhawaynayso cidkasta oo xukuumada kala qayb qaadanaysa hawlaha horumarka abuuritaanka illaha shaqada iyo la dagaalanka saboolnimada.

Dhankooda qurba joogtan ayaa si qoto dheer uga warbixiyay dadaalada horumarineed ee ay xukuumada sida xawliga ah uga hirgalisay deegaanka waxayna si durugsan u tilmaameen ujeedooyinka iyo ahmiyada socdaalkooda iyada oo sheegay in ay iskugu jiraan dhakhaatiir ka qayb qaadanaysa dhinaca caafimaadka iyo maalgashadayaal u socda in ay deegaankooda ka sameeyaan maalgashi.

Dr maxamuud sheikh maxamed Oomaar oo kulankaasi ka dib la hadlay shabakada wararka ee CakaaraNews ayaa sheegay in ay dakhaatiirtani yihiin kuwa ku xeel dheer dhinaca qaliinka indhaha qorshahooduna yahay in ay deegaanka ka bilaabaan, barnaamijyo dhinaca caafimaadka ah gaar ahaan dhinaca caafimaadka indhaha. Wuxuuna dhakhtarku sheegay in ay hadda iyaga oo dhakhaatiirtani gaashanaysa xafiiska caafimaadka DDSI ay barnaamijka caafimaadka gaar ahaan dhinaca qaliinka indhaha ay ka bilaabidoonaan qaarka mid ah degmooyinka gobolka Nogob