Ramadan Kariim 



 

      

Xafiiska Adeega Shacabka iyo Kocbinta Awooda Maamulka DDSI OO Maanta Tababar u Furay Qaabdhismeedyada Hogaaminta Dhexe ee Gobolada iyo Degmooyinka.

Jigjiga(CN) Khamiis Dec-18-2014.Siiyaalada iyo Qorshayaasha Guud ahaan Dalka iyo Deegaanka u dejisan dhinacyada isbedelada habraacyada iyo kobcinta garaadka aqooneed ee Cududa maamul ayaa maraya heer aad u wanaagsan gaar Deegaanka iyadoo Xafiiska Adeega Shacabka iyo Kobcinta Awooda Maamulka DDSI uu dadaal xoogan galiyay sidii ilaa heer tuulo looga taabogalin lahaa maamul suuban oo hanta hirgalinta Jihooyinka iyo qorshayaasha Horumar,N/galyo iyo ka jawaabista baahiyaha bulshada.

Hadaba Waxaa maanta ka furmay hoolka shirarka ee qaryaan dhoodaan tababar loo qabtay hogaaminta gobolada iyo degmooyinka DDSI waxaana soo diyaariyay tababarkaasi xafiiska adeega shacabka iyo kobcinta awooda maamulka DDSI oo bilihii ugu danbeeyay dardar hor leh galiyay dhaqangalinta habraacyadii maamulka suuban iyo tayaynta adeegbixinta Qaabdhismeedyada heerarkooda.

Tababarkaa oo ay ujeedadiisu ahayd in hogaaminta gobolada iyo degmooyinka lagu sii xoojiyo korna loogu sii qaado aqoonta jihooyinka geedi socodka maamulka suuban, xidhmaha maamulka suuban, hadafka iyo himilooyinka maamulka suuban ee ku wajahan qorshaynta iyo iibka maamulka dawlada.

Tababarkan oo loo qabtay hogaaminta ugu saraysa Qaab-dhismeedyada Gobolada iyo Degmooyinka DDSI ayaa waxaa furitaankiisii ka soo qaybgashay wasiirka adeega shacabka iyo kobcinta awooda maamulka DDSI marwo Majida Maxamed Maxamuud, wasiirku xigeenka Xafiiska  iyo waliba agaasinada waaxaha xafiiska adeega shacabka.

Waxaana furitaankii tababarkaasi ugu horayntii ka hadlay wasiirada adeega shacabka iyo kobcinta awooda maamulka DDSI marwo majiida maxamed maxamuud waxayna ugu horayntii si wayn ugu mahad naqday sida balaadhan ee ay hogaamintu uga soo qaybgaleen tababarkan.

Waxayna wasiiradu sharaxaad dheeriya ka bixisay sii xoojinta iyo dar dargalinta jihooyinka maamulka suuban iyo halka uu yahay hayaanka iyo himilooyinka qorshayaasha maamulka suuban iyo in hogaaminta gobolada iyo degmooyinka looga fadhiyo meel marita hirgalinta qorshayaashaasi ku taxa qula maamulka suuban iyo in ay shacabka deegaanku helaan adeeg hufan oo horumarineed si loo tir tiro saboolnimada korna loogu qaado koboca dhaqaalaha deegaanka.

Sidoo kale waxay wasiiradu ku boorisay hogaaminta in ay tababarkan oo ah mid ahmiyad balaadhan u leh hirgalinta qorshayaasha horumarineed in ay sidii loogu tala galay iga faa’iidaystaa inta uu socdo.

Si looga midha dhaliyo hirgaliyo meel marinta hayaanka himilooyinka qorshaasha horumarineed ee xukuumada u yaala Waxaa kale oo furitaankii tababarkaasi ka hadlay wasiir ku xigeenka adeega shacabka iyo kobcinta awooda naamulka suuban mudane maxamed xasan wuxuuna si qoto dheer uga warbixiyay ahmiyada iyo ujeedooyinka tababarkan oo ah mid loogu talagalay in ay masuuliyiinta gobolada iyo degmooyinku lagu sii xoojiyo qorshayaasha meel marinta iyo hirgalinta maamulka suuban iyo waliba isku xidhka ciidanka horumarineed iyo adeega shacabka si qoto dheerna inta uu socda looga faa’iidaysto .

Ugu danbayntii tababarkan oo socondoona muddo 2 maalmooda ah ayaa hogaaminta gobolada iyo degmooyinku qaadan doonaan cashiro ku taxa luqa habraacyada xidhmaha hogaaminta maamulka suuban, hadafka maamulka suuban, isku xidhka maamulka suuban ilaa heer tuulo, dhisida qorshaha ku shaqaynta BBR iyo waliba cashiro kale oo lagu xoojinayo hirgalinta iyo adkaynta maamulka suuban waxaana bixinaya tabinta cashiradan khabiiro ku dheel dheer hogaaminta iyo maamulka suuban oo ka socda xafiiska adeega shacabka iyo kobcinta awooda maamulka suuban.