Waftigii Balaadhnaa ee uu Hogaaminayay Madaxwaynaah DDSI oo Caawa Ku Sugan Magaalada Qarbidahar ayaa Booqday mashaariicaha Waawayn ee Horumarineed shirarna la yeeshay Bulshada Qaybaheeda kale duwan.

Q/dahar(CN) Khamiis Dec-18-2014.Sidaad warkayagii hore ka dheehateenba waxaa magaalada Jigjiga ka ambabaxay wafti balaadhan oo uu hogaaminayay Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar waftigaasoo sii maray dhulka islamarkaana ku sii hanakanayay magaalooyinka iyo tuulooyinka teedsan Gobolka faafan,Jarar iyo Qoraxay iyagoona kulamo kula wadaagayay Qaybha Bulshada.

Waxayna waftigani intii ay ku sugnaayeen xarunta gobolka jarar ee dhagax buur ay shirar balaadhan la yeesheen qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada sida odayaasha,ugaasyada,suldaanada,Garaadada,haweenka dhalinyarada aqoonyahadana iyo waliba qurba joogta ku sugan magaalada dhagax buur.

Waxaana uu warku intaa ku darayaa in shirka siwayn loogu qorfeeyay heerarka ay marayaan mashaariicaha horumarineed ee ka socday gobolka taasi oo ay si wada jir ah u lafa gurayeen qaybaha kala duwan ee bulshada, waftigan iyo mamulka gobolka. Waftiga madaxwaynaha ayaa Shalay Subax ka ambabaxay magalada Dh/buur iyagoona sii ambaqaaday socdaalkoodii balse ku sii hakaday Degmada Birqod ee Gobolka Jarar halkaasoo madaxwaynaha iyo Gudomiyaha Gobolka jarar Farxaan Cabdi Maajuun ay dhagax dhigeen mid ka mida mashaariicaha dhanka biyaha Ugu waawayn dhanka Biyaha kaasoo ah mashruuca biyo galinta iyo Horumarinta kaymaha loogu samaynayay Degmooyinka Gunagado,Gashaamo,Marsin iyo Danood.

Sida ku xusan qorshaha miisaaniyada mashruucan ayaa ay ku baxaysaa aduun lacageed oo cadadkiisu yahay 400 oo Milyan ayaa noqonaya Gashi horumarineed oo lagu horumarinayo kaymaha,Biyogalinta iyo ka faaiidaysiga dadka iyo Duunyada ku dhaqan inta u dhaxaysa goobaha uu mashruucani isaga talaabayo 3da Gobol ee laga hirgalinayo.

Waftigan oo dhagaxdhiga ka dib ka ambabaxay Birqod ayaa intii ayna gaadhin xarunta gobolka qoraxay ee magaalada Qabridahar waxay sii booqdeen qaar ka mida mashaariicaha horumarineed ka socda gobolka, waxaana siwayn loogu soo dhaweeyay xarunta gobolka qoraxay ee qabridahar ka dibna waxay shirar la yeesheen bulshada qaybaheeda kala duwan kulankaasi waxaana shirarkaasi lagu qorfaynayaya hirgalinta heerarka ay taagan yihiin mashaariicihii horumarineed kuwaasi oo ay buulshada su’aalaha ay qabaan ka waydiinayay waftigan iyo maamulka gobolkaba.

Waftiga ayaa booqday maanta dhismayaasha mashaariicaha waawayn ee Horumarka kana socday Qabridahar sida sida buundooyinka, dhismayaasha mashariicaha horumarineed,gagida dayuuradaha sidoo kalana booqday buundada wayn ee magaalada Qabridahar dhinaca Ceel-xaar uga baxda taasoo wax wayn ka tari doonta isku xidhka. Waftigan ayaa waxaay caawa ku sugan xarunta gobolka qoraxay ee qabridahar waxaana la filayaa in ay u sii gudbi doonaan Goobo kale.

Isku soo wada Xooriyoo Madaxwaynaha DDSI ayaa wakhtiyadiisa inta ugu badan siiya ka warhaynta Shacabweynaha DDSI ilaa kuwa Ardaaga Geela si uu u soo darso xaalada nololeed ee bulshada iyo sida loo gaadhsiiyay Adeegyada Horumarineed iyo kaabayaasha Dhaqaale.