Ramadan Kariim 



 

      

Wasiirka Horumarinta Wabiyada iyo Dooxooyinka iyo Masuuliyiin Heer Deegaan ah oo Ku Hawlan Qiimaynta Heerka Waxqabadka Barnaamijka Dibu Dejinta ee Gobolka Liibaan.

Liiban(CN) Axad Dec-21-2014.Waxaa waayadanba Qiimayn iyo kormeer hawleed ugu sugan gobolka liibaan Masuuliyiin ka socotey heer deegaan oo isugu JirtayXafiiska Horumarinta wabiyada iyo Dooxooyinka iyo xafisyada waawayn ee xukuumada kuwaasoo loogu talo geley inay sii dardar-geliyaan hawlaha barnaamijka dibudejinta oo ujeedadiisu tahay in bulshada xoolo-dhaqatada ubadan loo badalo xoolo-dhaqato beeralay siloo gaadhsiiyo yoolasha horumarineed ee aan tiigsanayso taasoo kusalaysan ka faaiidaysiga khayraadka biyaha ee wabiyada deegaanka si looga baxo cadawgeena koowaad oo ah saboolnimada.si kobaca dhaqaale ee dalka iyo Deegaankuba u hiigsadaan sanadaha soo socda wadamada dhaqalaahoodu dhexdhexaadka yahay.

Haddaba kooxdan uu hogaaminayo Wasiirka Xafiiska Horumarinta Waraabka Iyo Dooxooyinka Mudane Ibrahim Maxamud Mubarek ayna wehelinayaan Masuuliyiinta kala ah kuxigeenka Madaxa Dakhliga Mudane C/Casiis maxamed Cumar,kuxigeenka xafiiska Ganacsiga & Gaadiidka Mudane Ibrahim Maxamed Ee heer deegaan iyo xubnood oo ka kala socda 4 ta xafiis ee Horumarinta iyo Xafiiska Horumarinta Waraabka Iyo Dooxooyinka (Biyaha,Beeraha,Caafimaadka & Waxbarashada).

Masuuliyiintan oo ka duulaya Qorshe dhawaan ay xukumadu qaadatay kaasoo ku wajahan dardargalinta barnaamijka dejinta qoysaska loogaga faaiidaynayo agagaarada wabiyada iyo dooxooyinka ayaa iyagoo kaashanaya maamulka Gobolka Liibaan,maamulada Degmooyinka iyo Gudiyada bulshada ee heer Qabalee ayaa kormeer,fagaarayaal wadatashi iyo Qiimayn loogu kuurgalayay heerka la gaadhsiiyay Barnaamijka dejinta la yeeshay islamarkaana wadajir ay u gudagaleen dardargalinta mashruuca Dibudejinta iyo ka faaiidaysiga aslaaxyada loogu talogalay waxsoosaarka dalagyada Beeraha si loo dhimo cunto yaraanta iyo saboolnimada.

mar aanu la xidhiidhnay Masuulka kooxda ayaa waxa uu noo sheegay inQorshaha sanadka 2007 uu ahaa in Gobolka Liibaan la dejiyo Qoysas dhan 2350 islamarkaana lagu guulaystay in la dejiyo Qoysas dhan 1762 kuwaasoo waxsoosaarkoodii dhanka beeraha ee sanadkan uu noqday Degmada Dolo-ado 190044 Kiintaal,Degmada Filtu 14250 Kiintaal,Degmada Deka-suftu 424 kiintaal halka Degmada Hudat ay Qoysaskii la dejiyay soo saareen 1880 kiintaal.

Warka ayaa intaa ku daraya in 4ta degmo ee Gobolka Libaan ee ay Dejinta laga hirgaliyay la kala dejiyay dad dhan Degmada Dolow waxaa la dejiyay 1507,Filtu 40 qoys,Deka suftu 40 qoys halka degmada Hudet la dejiyay 175 Qoys iyadoona dhamaan qoysaskan la dejiyay agagaarada Wabiyada Ganaale iyo Dawa kuwaasoo wax wayn ka bedelay noloshooda islamarkaana helay adeegyada aasaasiga ah ee dhanka dawlada sida waxbarashada,caafimaadka,Biyaha iyo agabka waxsoosaarka beeraha iyadoona ay waxsoosaarkii Qoysaska sare ku xusan ay durba soo gaadheen suuqyada yididiilana galisay nolosha qoysaska una mahadceliyay Xukuumada ka gacanqabatay in ay heerkan soo gaadhaan.