Ramadan Kariim 



 

      

Kulan Lagu Gorfaynayay Hirgalinta Wajigii 3aad ee Mashruuca Horumarinta Bulshada Xoolo dhaqadada ah PCDP oo uu Hogaaminayay Madaxwayne ku-xigeenka ahna Wasiirka Waxbarashada DDSI ayaa maanta ka dhacay Jijiga.

Jigjiga(CN) Talaado Dec-23-2014. Kulankaasi oo uu hogaaminayay madaxwayne ku xigeenka ahna wasiirka waxbarashada DDSI mudane Mawliid Haayir xasan ayaa waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin sar-sare oo ka kala socoday Bangiga aduunka, wasaarada maaliyada iyo horumarinta dhaqaalaha JDFI iyo Madaxda mashruuca horumarinta bulshada xoolo-dhaqatada ah PCDP ee JDFI.

Halka ay heer-deegaan ku wehilinayeen madaxwayne ku-xigeenka, maareeyaha mashruuca horumarinta bulshada xoolo dhaqatada ah pastoral community development project (PCDP) ee DDSI mudane Dr cabdi-qaadir iimaan, wasiirka maaliyada horumarinta dhaqaalaha DDSI mudane Ahmed Cabdi Maxamed, wasiir ku-xigeenka madaxtooyada DDSI mudane Cabdi-kuus Cabdilaahi iyo masuuliyiin kale oo heer deegaan ah.

Kulankaa oo ay ujeedadiisu ahayd sidii loo lafa gurilahaa hirgalinta wajigii 3aad ee mashruuca horumarinta bulshada xoolo dhaqadada ah ee DDSI ayaa waxaa ugu horayntii ka hadlay madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasiirka waxbarashada DDSI mudane Mawliid Haayir.

wuxuuna si qoto dheer uga warbixiyay Madaxwayne kuxigeenku ahmiyada uu mashruucani u leeyahay bulshada xoolo dhaqatada ah sida uu uga qayb qaadanayo ladagaalanka saboolnimada iyo kor u qaadida koboca dhaqaalaha.

Sidoo kale madaxwayne ku-xigeenku sheegay in ay sidii loogu tala galay mashruucan loogaga faa’iideeyay wajiyadiisii hore dhinaca bulshada xoolo dhaqadada ah taasoo siwayn looagu diirsaday heerka waxqabadka gaar ahaan dhinacyada waxbarashada, caafimaadka, biyaha iyo waliba adeegyada kale ee aas aasiga u ah bulshada xoolo dhaqadada ah.Waxaa kale oo uu madaxwayne ku-xigeenku ka warbixiyay qorshaha ku aadan waxqabadka mashruucan u yaala wajiga 3aad oo xafiiska looga baahan yahay ka midho-dhalinta iyo hirgalinta wajiga 3aad sidii loogu talogalay.

Mudane Mawliid haayir ayaa intaa ku daray sharax guud oo uu ka bixiyay Siiyaalada iyo Qorshayaasha ku aadan kobaca dhaqan-dhaqaale ee ku suntan yihiin hirgalintoodu 5ta sano,10ka sano iyo sanadaha fogfogba si looga saaro Shacabka deegaanka Saboolnimada iyo cunto yaraanta.

Dhanka kale Maareeyaha mashruuca horumarinta bulshada xoolo dhaqatada ah PCDP mudane Dr cabdiqaadir iimaan oo ka hadlay kulankaasi ayaa ka warbixiyay waxqabadkii mashruuca DCDP isaga oo tilmaamay sida uu mashruucani uga qayb qaadanayo hirgalinta qorshayaasha horumarineed kuwa dhaw iyo kuwa fogba.

wuxuuna sheegay in mashruucan oo hadda ka hor ka hawlgali jiray 21 degmo oo ka mid ah degmooyinka deegaanka uu wajigan 3aad ka hawlgalayo 54 degmo oo ka mid ah degmooyinka deegaanka taasina ay kaalin mug leh ka qaadanayso kor u qaadida nolosha bulshada xoolo dhaqatada ah iyo hayaanka himilooyinka qorshayaasha horumarineed ee u yaala xukuumada DDSI.

Dhankooda masuuliyiintii ka socoday bangiga aduunka iyo wasaaradaha heer fadaraal oo booqashooyin ay ugu kuurgalayaan mashruucan ku soo maray qaarka mid ah degmooyinka deegaanka ayaa sheegay in mashruuca horumarinta bulshada xoolo dhaqatada ah ee DDSI sidii loogu talagalay u fuliyeen sida hirgalinta mashaariicaha ka qaybgalinta shacabka maamulka mashaariicaha iyo waliba ku dhamaystirka wakhtigii loogu talagalay. Waxayna masuuliyiintani hoosta ka xariiqeen in uu deegaanka soomaalidu yahay muunad ku dayasha mudan wajigan 3aad ay siwayn ugu riyaaqeena sida loo qorsheeyay hirgalintiisa.

Isku soo wada xooriyoo Ujeedada ugu wayn ee kulankan ayaa ahaa mid ay deeq-bixiyayaasha ku shuqlan hirgalinta Mashruucan,bahwadaagta wasaaradaha heer federal iyo Xukuumada DDSI ay isula qaabayn lahaayeen heerka diyaargarawga iyo kartida fulineed ee Wajiga 3aad ee Mashruuca horumarinta Xoolo-dhaqatada.