Ramadan Kariim 



 

      

Masuuliinta Heer-Deegaan ee Ku Hawlan Qiimaynta iyo Kormeerka Barnaamijka Dibudejinta Gobolka Afdheer ayaa Dardar Xoogan Galiyay Dhamaystirka iyo Ka Faaiidaysiga Qoysaska Dibudejinta Loo Sameeyay.

Afdheer(CN)Khamiis Dec-25-2014.Masuuliiyiin isugu jiray wasiiro iyo agaasimayaal ka kala socday xafiisyada Waawayn ee dhanka horumarka kuwaasoo ka hawlgalay Gobolka Afdheer islamarkaana u kuurgalayay heerka ay taagan yihiin mashaariicaha Dejinta ee laga fuliyay Goobaha loo qorsheeyay sidoo kalana Sida ay Qoysaska dibudejinta loo sameeyay uga faaiidaysteen iyo sida ay xafiisyada waawayn ay uga hirgaliyeen adeegyadii aasaasiga ahaa Goobaha laga hirgaliyay Dibudejinta Qoysaska.

Masuuliyiintan oo ay wehelinayeen Maamulada Gobolka iyo Degmooyinka ayaa Socdaalo kormeer ah iyo qiimayn ku soo kala bixiyay goobihii Dejinta Qoysaska laga sameeyay Sanadihii hore ee 2003/04/05/06 iyo goobihii cusbaa ee ladjiyay sanadkan lagu jiro ee 2007 oo meel fiican maraya.

Sidoo kale waxaa ay u kuurgaleen sida looga hirgaliyay Adeegyada aasaasiga ah sida Waxarashada,Caafimaadka,Qalabka Beeraha iyo Biyaha halkaasna ku soo arkeen Dadkii oo wax la barayo,Daryeel caafimaad la siinayo islamarkaana ku hawlan Falashada waxsoosaarka beeraha oo wax wayn ka taray Noloshoodii.

Qoysaska Dibudejinta loo sameeyay oo hore u ahaa Xoolodhaqato ayaa aad u mahadiyay Nolosha Xoolo- dhaqato beeralayda kuwaasoo waxsoosaarkoodii kasakow noloshooda uu soo soo galay suuqyada iyagoona soo saaray Dalagyada kasooo Go'ay kala yihiin; Galey, hadhudh, digir, basal, sisin, yaanyo (tamandho) qaji, babay, teff (daafi) iyo dhamaan miraha kala duwan ee beeralayda.

Waftigan heer deegaan oo uu hogaaminayay Xasan Cabdiraxman Adan Mad. Wak. Aburka Xulka ah iyo Calafka Xoolaha ee DDSI (Team Leader)ayaa ay ku wehelinayeen Siciid Saleeban Ahmed ku/xig Komishinka Cabashoyika DDSI,C/khaddar Adan Cabdi Regional Health Bureau, Najib Ahmed Cali Regional Water Bureau,Shamsadin LCRDB iyo Faa’iid Education Bureau.

Goobaha Gobolka Afdheer ilaa iyo hada laga sameeyay barnaamijkia Dibudejinta Qoysaska xoolodhaqatada ah loogu bedelayo Xoolodhaqato beeralay si loo sugo damaanada Cuntada loogana xoroobo saboolnimada ayaa kala ah:-

1.Degmada Hargeele:- Dawacaale,Dhirindhir,Xayir,Ciid dheere

2. Degmada Dollo-Bay:- Kuraley, Waladaya, gabarey, Xintoy, Caloley, Qoraxey, Laaqeyr, kubadley, Bukurale,Madhar Helo quran Hela buli Idhadhami Darso

3. Degmada Jarati 01 kebele, 02 kebele ,Qoor diir,Towfiiq, Bali Booco Diinto, Baandheer, Muuqdheere, Qarari Helo abshir dhiibato Gurro Buttaa Sabuula cad

4. Degmada Imey Galbed:- Buldhisho, Sufley Imey, Dawan Jiiq, B arda xoor,,barsiibo,Abaaqorow,Gol barwaaqo,

5. Degmada Gooro baqaqqsa:- Wititi Hoofi Dockora

6. Gura Damole Dugda addu Jirmo Qundhi Adeley

7. Degmada ceel kari:- Hilo madow,

8. Degmada Raaso:- Buundada, Tiig dheer, Waadhi ley,9. Qarsaa Duula,Sora Samu,Yaroto,Jimba,Hargeysa yarey ,Harobatun Qudhac,buul Galool,cali Babul,