CIID MUBAARAK



 

      

Caleemo Saarka Rasmiga Ah Ee Garaad Kulmiye Garaad Maxamed Garaad Dool Oo Maanta Guddi Loo Xilsaaray.

Jigjiga(CN) Jimce.Dec.26.2014, Waxaa maanta guddi khaas ah loo xilsaaray diyaarinta iyo caleemo saarka Garaadka beelo-waynta Absame Garaad Kulmiye Garaad Maxamed Garaad Dool. Gudigan ayaa go'aamin doonta wakhtiga iyo jadwalka caleemo saarka Garaadka oo ay kasoo qayb gali doonaan Soomaalida geeska Afrika dal iyo dibadba.

Sida ay xaqiijiyeen ilo xog ogaal ahaa gudigan ayaa si dhakhso ah u go'aamin doonta wakhtiga iyo jadwalka caleemo saarka Garaadka, waxaana maanta sidoo kale shaaca laga qaaday goobta lagu qabanayo caleemo saarka Garaadka oo lasheegay in ay tahay gobolka Qoraxay gaar ahaan qabalaha Jugle.

Gudigan ayaa bilaabay diyaar garaynta goobta lagu qabanayo munaasibada caleemo saarka garaadka oo lafilayo in ay kasoo qayb galaan in kabadan 3 kun oo qof oo kakala iman doonta gudaha, dibada iyo dalalka Soomaalida Geeska Afrika.