Mayorkii Magaalada Dh/buur Oo Loo Magacaabay Wasiirka Waraabka Iyo Dooxooyinka Ee DDSI.

Jigjiga(CN) Jimce.Dec.26.2014, waxaa goor dhawayd kusoo dhacay qaybta wararka ee shabakada CakaaraNews warbixin kasoo baxday dhanka madaxtooyada DDSI oo sheegaysa in Moyorkii magaalada Dh/buur mudane Suldaan Maxamed Xasan(khayre) loo magacaabay wasiirka waraabka iyo dooxooyinka ee DDSI.

Mudane Suldaan ayaa xilal badan kasoo qabtay deegaanka iyadoo uu maamulka Dhagaxbuur kahor uu soo maray Moyornimada maamulka magaalada Jigjiga. Masuulka ayaa intii uu kashaqaynayay xilalkaasi lagu bartay daacadnimo iyo xilkasnimo gudashada waajibaadka shaqo.