CIID MUBAARAK



 

      

Deg Deg: Dab Kakacay Nawaaxiga Garoonka Diyaaradaha ee Wiil Waal Oo Islamarkiiba Ladamiyay.

Jigjiga(CN) Isniin.Dec.29.2014, waxaa goordhawayd gagida WilWal Airport ee magaalada Jigjiga kadhacay dab kadhashahay nawaaxiga Airpork oo uu sababay qashin laga gubayay goobtaasi u dhaw garoonka. Waxaana islamarkiiba dabkaasi oo xulay qayb kamida cawska iyo dooga kuweegaaran garoonka kagaadhay si cilmiyaysana u damiyay xubnihii amniga ee deegaanka iyo federaalka oo kabadbaadiyay in uu dabkaasi dheeraado oo uu gaadho dhismaha gagida.

Xubnihii haayadaha aminga oo kaashanay qalabka dab damiska ayaa kudamiyay xeelad lagu jaray fiditaankii dabka islamarkiina kudamiyay. Arintan ay haayadaha aminigu kaga hortageen khatarta dabka ayaa ah mid ay dadku aad ugu amaanayeen booliska deegaanka iyo federaalka.

Dabkan ayaa maanta si kadis ah uga dhashay goob kudhaw garoonka oo qashin lagu gubayay iyadoo maanta ay magaalada Jigjiga kasocdo kulan balaadhan oo ay kasoo qayb galeen madax heer federaal ah. Shirkan ayaa ah wareegii 4aad oo si heer qaran ah looga hadlayo arimaha HIV-ga.