Ramadan Kariim 



 

      

Munaasabad Casho Sharaf ah oo Lagu Soo Gunaanaday Shirwaynihii Qaran ee Markii 4aad Lagaga Wadatashanayay Cudurka HIV/AIDS Kana Dhacay Magaalada Jigjiga.

Jigjiga(CN) Waxaa markii 4aad lagu qabtay shirwaynaha Wadatashiga xakamaynta Cudurka dunidu ku halaagmatay ee Viruska Hiv/Aids oo hadaan laga feejignaan Qofka ku asiibi kara daqiiqado gaadhaya 20 ilaa 30 gudahood taasoo bulshada looga baahan yahay in ay dhab u dhugato waxyeelada Cudurkan. Shir socday laba maalmood oo ay ka soo qaybgaleen marwada 1aad ee DFI marwo Roman Tesfaye,Wasiiro heer Federal ah,Madaxda Haydaha,Ururada dadka la nool Cudurkan iyo Madaxda 9ka Deegaan.

Dhanka DDSI ayaa waxaa ka qaybgalay Madaxwayne kuxigeenka ahna Wasiirka madaxtooyada Marwo Suaad Axmed Faarax, Wasiirada Xafiiska HIV/AIDS marwo Faadumo C/laahi, Golaha Capinetka, Odoyaasha Dhaqanka,Ururada Bulshada ee 12ka xaafadood,Dhalinyarada iyo Culumaaudiinka Deegaanka.

Hadaba Waxaa Xalay ka dhacday Guriga Martida Qaryaan Dhoodhaan munaasabad casho sharaf ahayd oo lagu sagootinayay wufuudii kala duduwanayd ee maalmahan uu ugasocday kulanka lagaga wada xaajoonayay Cudurka HIV/AIDS.

Casho sharaftan ayaa waxaa ka soo qaybgashay marwada madaxwaynaha DDSI mrwo Sadiiqa Cabdi Ismaaciil oo marwada 1aad ee raysal wasaaraha DFI marwo Roman Tesfaye ku wehelinaysay maamuuska loo fidiyay. Madaxwayne kuxigeenka ahna Wasiirada madaxtooyada iyo Wasiirada Xafiiska ka hortaga iyo xakamaynta HIV/AIDS marwo Faadumo C/laahi ayaa Gudoonsiiyay hadiyado Marwada 1aad iyo madaxdii kalaba.

Isku soo wada soohoo shirkan ayaa aad loogu falanqeeyay Dardargalinta la tacaalida cudurkan islamarkaana laga soo saaray Baaq ku aadanaa Qodobo muhiim ah oo laga soo saaray shirwaynahan halka la go'aamiyay in Qaabdhismeedka xafiiska loo dhaadhiciyo degmooyinka.