Ramadan Kariim 



 

      

Xukuumada oo Si Wayn u Soo Dhawaysay majaajiliistayaasha Caanka ah ee Sooraan iyo Jawaan.

Jigjiga(CN) Arbaco Dec-31-2014. Waxaa shalay si wayn loogu soo dhaweeyay magaalda Wajaale majaajiliistayaasha Guud ahaan Gayiga soomaaliga lagaga hadlo gaar ahaan Deegaanka Soomaalida Itoobiya aadka looga jecelyahay ee Sooraan iyo Jawaan oo ay Wehelinaysay Gabadha doorka muhiimka ku leh Riwaayadahooda Qosolka iyo Xikmada isugu jirta kuna xasuusan kartaan"Xaaskayga ayaa igu Tidhi Gabadha Jawaan ku metalaysa".

Sidoo kale magaalada jigjiga ayaa aad loogu soo dhaweeyay iyadoona ay Shacabku ku xoonsan yihiin Hoteelka Xamda oo Fanaaniinta la dejiyay salaan iyo sawiro farxadeedna ku asqaysiiyeen.

Hadaba maanta ayaa uu kuxigeenka xafiiska Xidhiidhka Arimaha Dawlada Dhaqanka iyo Dalxiiska mudane Baashe Cabdi ku soo wareejiyay Goobo ay ka socdeen mashaariicaha Horumarineed gaar ahaan Xarunta Madaxtooyada DDSI ee Cusub taasoo laga dhisayo dhakada sare ee Buurta ka koraysa Xerada garab case taasoo ku taal Joog ka sareeya Magaalada.

Mar uu Sooraan aad ula dhacay Dhismaha casriga ah ee Hoolka shirarka ayaa uu yidhi "Golihii Murtida iyo Madadaalada(Theatre) ee Shiinuhu xamar ka dhisay 2500 oo Qof ayuu qaadi jiray halka uu Kan jigjiga ka qaadayo dad kor u dhaafaya 7000 Qof markaasuu Sooraan isagoo madaxa ruxaya yidhi "Iga-waloo Horumarkaa Degdegaaya".

Nin ka mida shacabka jigjiga oo salaamayay Sooraan iyo Jawaan ayaa jawaan ku yidhi oo markaan TV-ga kaa daawanayo waad ila dheerayde ileen waad gaabnayd markaasuu Jawaan ugu jawaabay"Iminkaba waan dheerahaye waa indhahaaga".