CIID MUBAARAK



 

      

Qiimayntii Xisbiyada Ee Deegaanada Bahwadaagta Ah Oo Uu Deegaanka Soomaalida Itoobiya Kaalinta Koobaad Galay.

Adama(CN) Arbaco.Dec.31.2014, sida aad wararkayagii hore kala socoteen shabakada CakaaraNews waxaa maalintii axada ee lasoo dhaafay ilaa maanta magaalada Adama kusugnaa hogaaminta sare ee EPRDF iyo xisbiyada bahwadaagta ah oo uu tababarka tabarayaasha uga socday dhamaan hogaaminta sare ee federaalka iyo deegaanada.

Iyadoo xalay si guud barnaamijkan tababarka xaflad balaadhan loogusoo afjaray islamarkaana abaal marino lagu gudoonsiinayay xisbiyada talada haya ayaa waxaa maanta lagarwaaqsaday cabirka iyo heerka ay marayaan xisbaiyada bahwadaagta lagana dardaarmay sidii qorshahan guud ee dalka uu xisbi waliba ugasoo bixi lahaa kaalintiisa.

Deeegaanka Soomaalida Itoobiya oo doodii iyo qiimaynadii shalay lagu amaanay dhinacyo badan oo ay ugu horaysay isbadalada iyo guulaha lagasoo hoyiyay nabadgalyada, horumarka kaabayaasha dhaqaalaha, xidhiidhka dadwaynaha, kaqayb galinta iyo fursad siinta balaadhan ee dhalinyarada, arimaha dibada iyo qodobo kale, ayaa waxaa maanta si cad loo garwaaqsaday kaalinta hormuudnimo ee deegaanku kaga jiro deegaanada kale bahwadaagta ah.

Deegaanka ayaa kaalinta koobaad ku mutaystay waxqabadka nabadgalyada, ladagaalanka koontarabaanka iyo argagixisada, horumarka xawliga ah gaar ahaan dhinacyada biyaha iyo wadooyinka, xidhidhka dadwaynaha iyo waxqabadka lataaban karo ee kahirgalay DDSI.

Qiimayntan maanta oo ahayd mid si khaas ah ay xisbiyadu uga dardaarmayeen in lasii xoojiyo guulaha lagaadhay islamarkaana lagu sawirayay heerka lataagan yahay wakhtigan iyo mustaqbalka yoolka la hiigsanayo.

Iskusoo wada duuboo XDSHSI oo haatan amaan iyo bogaadinba kahelay saaxiibadiisa EPRDF ayaa lafilayaa in uu xisbigu usii tafa xato karaar galinta isbadalkan dhaxal galka ah ee uu maanta hantay. Sidoo kale XDSHSI ayaa kaalin laxaad leh ugu jira midha dhalinta qorshaha guud ee dalka iyo istaraatiijiyada guud ee EPRDF. Baranaamijka tababarka tababaryaasha oo hogaaminta sare ayaa si cad go'aamo iyo qorshe la isula qaatay kaasoo EPRDF dardar galin doona islamarkaana ka dhabaan dhabay gol duleelkasta oo xisbi ahaan iyo wax qabad ahaanba u jiri karay.