CIID MUBAARAK



 

      

Madaxwaynaha DDSI Iyo Masuuliyiin Wahelinaysay Oo Maanta Soo Galay Xarunta DDSI Ee Magaalada Jigjiga.

Jigjiga(CN) Jimce.Jan.02.2015, Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo masuuliyiin wahelinaysay ayaa goor dhawayd kasoo dagay gagida diyaaradaha ee Garaad Wiil Waal. Madaxwaynaha ayaa kayimid dhinac xarunta dalka ee Adhis halkaas oo uu madaxwaynuhu kaga qayb qaadanayay barnaamijkii tababarka tababarayaasha ee qorshaha EPRDF iyo doorashada 5aad ee dalka oo kasocday maalmahan magaalada Adama ee deegaanka Oromada.

XDSHSI oo firfircooni kamuujiyay barnaamijkaasi ayaa bogaadin iyo amaan kala soo kulamay doorka ay xisbiyada talada haya kaqaateen nabadgalyada iyo horumarka. Gaar ahaan waxaa barnaamijkaas lagu garwaaqsaday hormuudnimada deegaanka Soomaalida Itoobiya oo guulo kasoo hoyiyay nabadgalyada, ladagaalanka argagixisada iyo koontarabaanka, horumarka dhinacyada biyaha iyo kaabayaasha dhaqaalaha, xidhiidhka dadwaynaha iyo arimaha dibada, dhalinyarada iyo qodobo kale oo uu deegaanku kaalin laxaad leh kagalay.