Ramadan Kariim 



 

      

Fulinta Qorshe-Hagaha Magaalada Gunagado oo si Balaadhan uga Socda Magaalada.

Gunagado(CN) Jimce Jan-02-2015. Hawlahan shaqo ee ku wajahan horumarinta magaalooyinka oo uu fulinayo xafiiska hawlaha guud iyo horumarinta magaalooyinka DDSI ayaa inta badan Degmooyinka hore uga fuliyay Qorshe Hagaha(Master Plan) iyagoona ka wada hirgalinta Master-planka magaalooyin ay ka mid tahay magaalada Guna-gado oo xarun u ah maamulka Degmada.

Mar uu Gudoomiyaha Degmada gunagado mudane maxamed cabdi raage codyare uu u waramayay Saxaafada ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay hawlahan shaqo ee lagu hirgalinayo Qorshe Hagaha kor loogu qaadayo bilicda magalada Gunagado asagoona gudoomiyuhu xusay inay jawaab utahay codsigii shacab-waynaha reer gunagado hada kahor kaga codsadeen xukuumada in loosameeyo qorshe-hage(Master Plan).

Mudane Cod-yare wuxuusidoo kale xaqiijiyay inay kaalin wanaagsan ka qaadan doonto qorshe-hagahani kor uqaadista horumarinta aasaasiga,Bilicda iyo Shaqo abuurka ee ay kawadaan deg.gunagado.

Dhanka kale qaar kamid ah shacab-waynaha ku dhaqan m.gunagado ayaa dhankooda si balaadhan usoo dhaweeyay fulinta qorshe hagahan waxayna tibaaxeen inay dhamaystirka hawlahan Xoogooda iyo maskaxba kaga qayb qaadanayaan sida uu ku soo waramayo wariyaha cakaaranews uga soowarama Gobolka Jarar maxamad cabdi cali (garbo)