CIID MUBAARAK



 

      

Shirwayne Loo Wada Dhanaa oo Ay Xukuumada iyo Shacabka Jigjiga iyo Nawaaxiga Isugu Yimaadeen oo Ka Dhacay Shabeeley oo Ka Tirsan Degmada Jigjiga.

Shabeeley(CN) sabti Jan03-2014.Waxaa maanta lagu qabtay Senterka Shabeeleey shirwayne aad u balaadhnaa oo si qiimo iyo maamuus sharafeed leh looga sii baaaraan degay soo agaasimidiisii kaasoo ku qabsoomay jawi farxadeed iyo talo- wadaag lagu ayiday Horumarka,N/galyada iyo Maamulka suuban ee ka taabo galay guud ahaan Gayiga Soomaalida Itoobiya.

Shir-wadareedkan lagu gorfaynayay sii badhi-gantaalida Horumarka,N/galyada,Maamulka saxar tiran iyo kaalinta Qaybaha shacabka ee Shacabka ku dhaqan Nawaaxiga Jigjiga ayaa waxaa ka soo qaybgalay Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar,Wasiirka Cadaalada ahna lataliyaha madaxwaynaha Dhinaca Amniga mudane C/jamaal Axmed Qaloombi,Wasiirka Kobcinta Arimaha Shacabka iyo Kobcinta Awooda Marwo Maajida Axmed,Wasiir kuxigeenka Horumarinta Magaalooyinka, dhismaha iyo wershadaha mudane Axmed Shukri,Wasiirka DPPC mudane Maxamed Daahir iyo masuuliyiin kale.

Dhanka Hogaaminta Dhaqanka ayaa waxaa ka soo qaybgalay Garaadka guud ee Beesha Kuumade Garaad Kulmiye Garaad Maxamed Garaad Dool,Mudane Axmed Kacaan,Mudane Cali Cabdi Ciise,mudane Cabdi Kooke,Mudane Maxamed Cabdi Kare,suldaan axmed Nuur,Suldaan Maxamed Khaliif,Suldaan Xasan C/laahi,Suldaan C/qan axmednur,suldan farxan, suldan, maxamed cabdi xasan, suldan shaqale cali dhere.dhanka qurba joogta cabdi kooke, cabdi xasan( cabdi absame), nimco budul,baashe aw masaib, axmed shekh cabdi, maxamed axmed dheeg iyo qaar kale.sidoo kale qaybaha shacabka kala duduwan ayaa ka soo qaybgalay kulankan.

Dadkii ka hadlay Shirkan ayaa waxaa ka mid ahaa Axmed Kacaan oo guud ahaan bogaadiyay sidii ay xukuumada maantu si siman uga taabogalisay Deegaanka Horumarka,N/galyada iyo maamulka suuban islamarkaana ku amaanay Ciidamada Geesiyada LP sida hagar la'aaneed ee ay dhabarka ugu riteen sugida Amniga Deegaanka isagoona tacsi u diray qoyasaskii ay ciidamada LP ka shahiideen sidoo kale mudane Cali Cabdi Ciise ayaa hadal aad u qurux badan oo xambaarsanaa sida ay shacabku ugu qanacsan yihiin waxqabadka xukuumada maanta iyo Xisbiga talada deegaanka haya oo markii ugu horaysay dhaqan galiyay Horumar la taaban karo,Nabadgalyo lagu nagaado iyo maamul suuban oo ka soo dhalaalay hirgalinta iyo ka jawaabista baahiyaha shacabka ee ku wajahan adeegyada Horumarineed iyo kaabayaasha dhaqaale kuwaasoo tilmaan cad oo marag ma doon ah u ah waxqabadka Xukuumada maanta ee uu hogaanka u hayo Madaxwayne CMC ayuu yidhi.

sidoo kale cali cabdi ciise oo ku hadlayay Codka shacabka ayaa sharax ka bixiyay sooyaaladii wajiyada badnaa ee soo maray Deegaanka gaar ahaan Jigjiga isagoona farta ku fiiqay in xukuumada maantu noqotay tii ugu horaysay ee Fursado shaqo ugu abuurtay Dadkii danyarta ahaa,Magaalada jigjiga soo mudhbixisay Bilicda iyo qurxinta magaalada jigjiga oo laga hirgaliyay dhamaanba Adeegyadii kaabayaasha dhaqaale iyo mashaariicihii Horumarineed oo maantu kor loowada bidhaansado Quruxda Fooqaqa dhaadheer oo ku teedsan magaalada jigjiga.

Mudane Cali Cabdi ayaa Ciidamada Geesiyada LP ku amaanay sidii ay dharbaaxada ay ka soo waaqsan waayeen ugu dhufteen islamarkaana xididada ugu siibeen Qawlaysatadii Beenta iyo Gumaadka shacabka laasimay ee UBBO halka uu shaqsiyaad uu maangaabiin ku asqoobay been ka sheegida Horumarka la gaadhay iyo xukuumadan hanatay kalsoonidii shacabwaynaha DDSI dal iyo Dibadba uu uga digay Damiir xumadooda u hanqal taagaysa heeryada darxumada iyo Dano shisheeye.

Maxamed Cabdi kare ayaa isaguna madaxwaynaha uga mahadceliyay sida hagar la;aaneed ee uu isugu dhabar jabiyay Sugida N/galyada,Hirgalinta maamul-suuban oo tayo leh iyo horumarka baaxada wan ee ay dhamaanba shacabwaynaha 68da Degmo,9ka Gobol iyo 4ta maamul magaalo wada dhadhansadeen.

Suldaan axmed nuur oo isaguna ka hadlaya ayaa xukuumada maanta uga mahadnaqay waxqabadkeeda ku adaan Furasadaha shaqo abuurka,gacanqabashada beeralayda,ka haqabtirida Shacabkaiyo duunyadaba Biyaha laga gaadhay dhulka hoostiisa iyo kuwa Biyo aruurinta Roobka sidoo kalana xukuumada maanta ugu mahadceliyay Macrajka Wayn ee Dhoofinta Xoolaha nool lagaga hirgaliyay in laga dhiso magaalada Jigjiga kana codsaday xukuumada in loo dhamaystiro waxyaabaha ka dhiman.

Madaxweynaha DDSI mudane CMC ayaa ugu horayn si ballaadhan uga mahad celiyay isxilqaanka iyo abaabulka fiican ee ay bulshada degan degmada jigjiga ugu guntadeen habsami u qabsoomida shirkan muhiimka ah ee maanta ka qabsoomey centerka shabeelley ee degmada jigjiga ee loo wada dhanyahay,kadib mahadnaqa ayaa uu madexweynuhu sharax dheer ka bixiyay sooyaalka taariikheed eedhinacyda nabadgelyada, horumarka iyo siyaasada ee uu soo maray deegaanku gaar ahaan magaalada jigjiga.tilmaamayna in caasimada DDSI ee jigjiga ay xukuumada haatan jirta natiijooyinka ay ka suurta galisey sida nabadgelyada iyo horumarka maanta la gaadhsiiyay iyo halgankii loo soo maray. waxaa kalo madaxweynuhu carabka ku adkeeyay ahmiyada ay xukuumadu siinayso horumarka maalgalinta iyo kor u qaadida nolosha bulshada ku dhaqan magaalada jigjiga.

Madaxwaynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa tibaaxay dibindaabyooyinkii iyo hagardaamooyinkii waxashnimo ee ay UBBO dhaxlsiisay Qaybaha bulshada iyo Horumarkii xudunta u ahaa Nolosha shacabka,balse dadaal dheer iyo ka baaraandegid sidii looga samatobixin lahaa Shacabweynaha Deegaanka aafadii maleeshiyaadka iyo Fikirkii UBBO oo dhiig badani ku daatay kuna shahiideen halyeeyadii LP ee ka dhiidhiyay Falakii waxashnimo ee ay UBBO ku haysay Shacabka ee Biri ma gaydada ah ayaa inoo suurtogaliyay in aynu maanta halkan soo gaadhno ayuu yidhi.

Madaxwaynuhu.sidoo kale ka hadlay daryeelka Shacabka deegaanka ee u badan Reer miyiga Xoolodhaqato beeralayda ah tilmaamana in ay xukuumada maanta waajib ku tahay in ay Reer miyiga dhan loo wada gaadsiiyo adeegyada horumarineed ee aasaasiga u ah nolosha bulshada maadaama taabogalinta Horumarka maanta ee baaxada wayn tahay Hubkii iyo Fikirkii ugu dhumucda waynaa ee lagu tirtiray Cudud ahaan iyo aragti ahaanba UBBO. Madaxwaynaha ayaa carabaabay in la asiibay fikirka Caasimada Deegaanka loogaga dhigay magaalada jigjiga isagoona amaanay Qaar ka mida qurbajoogtu sida ay ugu gaashaaman yihiin aragti ka madax banaan danaysi iyo qoqobnaan qabiil balse jecel wanaaga,midnimada iyo waxwada qabsiga dhamaan shacabwaynaha soomaalida itoobiya. ugu danbayn ayaa uu madaxwaynuhu balanqaad buuxa ka bixiyay dhamaanba Codsiyadii laga soo jeediyay Golaha shirka in ay xukuumad ahaan ayideen wax ka qabashadooda islamarkaan Qaar ka mida sheegay in sida ugu dhaqsaha badan wax looga qaban doono.

Garaadka Guud ee Beesha Kuumade garaadKulmiye Garaad maxamed ayaa bogaadiyay Guud ahaan Waxqabadkii Xukuumada maanta ka taabogalisay Horumarka,N/galyada,Maamulka Suuban iyo Xidhiidhka kaqaybgalka Shacabka,islamarkaana muujiyay balanqaad loo wada dhan yahay oo lagu garab istaagayo Xukuumada maanta kana codsaday Guriga in Xukuumada maanta ee uu hogaanka u hayo madaxwayne loo duceeyo laguna garab istaago waxqabadkooda sheegayna in madaxwayne CMC jacaylka iyo kalsoonida loo qabo ay gaadhsiisan tahay in uu musharax xambaarsan codkooda uga noqdo Magaalada Jigjiga.

gaba-gabadii shirka ayaa waxaa laga soo saaray baaq ka kooban lix qodob oo ah sidan:

1.Waxaan taageeraynaa, ilaalinaynaa islamarkaana difaacaynaa horumarka, nabadgelyada iyo maamulka suubban ee ka hanaqaadey guud ahaan deegaanka iyo gaar ahaan degmada iyo magaalada jigjiga.

2.Waxaanu ballanqaadaynaa ilaalinta iyo xoojinta wada-noolaanshaha beelaha aan dariska nahay iyo qowmiyadaha iyo shucuubta ree itoobiya, sidoo kale waxaan si hagar la,aana gacan uga siinaynaa laamaha amniga heerarkooda kala duwan sugida nabadgelyada iyo xasiloonida guud ahaan Deegaanka gaar ahaana caasimada deegaanka ee jigjiga

3.Waxaanu si buuxda u taageeraynaa shirweynihii 8 aad ee XDSHSI ee ka dhacay xarunta gobolka nogob ee magaalada fiiq.

4.Waxaanu si buuxda u ayidnay una taageeraynaa shirweynahii koobaad ee beesha kuumada ee ka dhacay KAAHA ee degmada qabri-bayax.

5.Waxaanu si aan gabasha lahayn uga soo horjeednaa nabadiidka sida UBBO iyo wixii la halmaala ficil ahaan iyo aragti aana waan ula halgamaynaa.

6.Waxaanu u hambalyaynaynaa geesiyada ciidanka gaarka ( liyou police) DDSI kaalinta ay kaga jiraan sugida guud ahaan amaanka deegaanka xididadana ugu siibeen UBBO, sidoo kale waxaa naga go'an sidii nalagu yaqaaney in aanu sii xoojino ladagaalanka nabadiidka iyo fikirada cidhiidhyoon ee la halmaala ee ay fidiyaan shaqsiyaadka aragtida gaaban.