CIID MUBAARAK



 

      

Kulankii Looga Arinsanayay Shirka Arimaha Cadaalada Ee Heer Qaran Oo Maanta Lasoo Gabagabeeyay.

Jigjiga(CN) Axad.Jan.04.2015, Sida aad kala socoteen wararkayagii hore shabakada CakaaraNews waxaa shalayto kabilaabmay magaalada Jigjiga shir loogu diyaar garoobayay shirwaynaha cadaalada ee heer qaran oo deegaanka lagu qaban doono.

Shirkan oo uu hogaaminayay wasiirka cadaalada ee DFI mudane Getachew Ambaye ayaa maanta jawi fiican kusoo gabagaboobay kaasoo ay kasoo qayb galeen wasiiro kale oo heer federaal ah oo uu kamidyahay wasiir kuxigeenka arimaha federaalka iyo madaxda deegaanka.

Kulankan ayaa sidoo kale waxaa uu deegaanku codsaday oo la isla qaatay tababarka kobcinta awooda ee dhinacyada xirfadaha laxidhiidha baadhista, kahortaga iyo xeer ilaalinta danbiyada.

Dhinaca kale waxaa kulankan lagaga wada hadlay arimo khibrad iyo aqoon iswaydaarsi leh waxayna masuuliyiinta heer federaal ay u bogeen isbadalka iyo talaabooyinka horumar ee uu deegaanku gaadhay dhinac kasta. Waxaana maalinta bari ah lafilayaa in ay waftigan heer federaal ee shirkan kasoo qayb galay ay dib ugu laabtaan dhinaca xarunta dalka.