Xafiiska Adeega Shacabka iyo Kobcinta Maamulka DDSI oo Kulan Wadatashi iyo Aqoon Kororsi ah Uga Furay Hoolka Shirarka Xafiiska Masuuliyiinta Geedi-Socodyada Xafisyada Heer Deegaan.

Jigjiga(CN) Khamiis Jan-08-2015. kulanka oo ujeedadiisu ahayd sidii loodardargalinlahaa loona sii xoojinlahaa qorshahayaasha shuruucda iyo xeer-nidaameedka maamulka shaqaalaha,sida shuuradaha loo maro shaqaalaysiinta,Sugida Dhamaystirka galka shaqaalaha,sugida waafaqsanaanta Dalacsiinta,anshax marinta iyo Nidaamka Bedelaada shaqaaaha.

Wasiirada Xafiiska adeega shacabka iyo Kobcinta Maamulka DDSI marwo Maajida Maxamed oo furitaankii Kulankan ka soo jeedisay ahmiyada uu ku fadhiyo kulankan ayaa tibaaxday in lagu falanqayn doono dhaadhicinta Qaabdhismeedyada, Dhamaystirka iyo dadajinta nidaamka iswaafajinta shaqada iyo shaqaalaha(Bpr-ka),Sidoo kale habka loo kaydiyo ama loo maareeyo Xogaha islamarkaana laga doodi doono Waajibaadyada shaqo ee hoos yimaada Geedisocodyada afiisyada heer deegaan.

Marwo Maajida ayaa kula dadaarantay Dhamaan Geedisocodyada xafiisyada heer deegaan ee shirkan wadatashi iyo aqoon kororsiga ah ka soo qayb galay in ay si fiican uga faaiidaystaan casharada lagu bixin doono islamarkaana ay xubnuhu ka bogtaan macluumaadka uu xambaarsan yahay.

Isku soo wada xooriyoo kulankan ayaa xambaaran macluumaadyo badan oo ka turjumaya siyaasadaha, isbedelada ,habraacyada iyo qorshayaasha kobcinta awooda ee loogu talogalay Maamulka Suuban si ay shaqaalaha iyo masuuliyiintuba xogo dheeriya ugaga helaan jihooyinka Dalka ee ku aadan Cududa shaqaale.