CIID MUBAARAK



 

      

Wasiirka Xafiiska Tababarada Xirfada iyo Farsamooyinka DDSI oo Ka Warbixiyay Socdaal Shaqo oo ay Ku Soo Mareen 4 Gobol.

Jigjiga(CN) Talaado Jan-13-2015. Wasiirka Kuliyadaha tababarada xirfadaha iyo farsamada (TVET) DDSI mudane Naasir Xassan Axmed oo maanta xafiiskiisa ugu waramay Wariyaha ilqoodhka shabakada Cakaaranews ayaa ka warbixiyay socdaal shaqo oo ay ku soo mareen 4 gobol oo ka mid ah gobolada deegaanka.

Wasiirku waxa uu ugu horayntii ka warbixiyay guud ahaanba waxqabadka xafiiska iyo kaalinta uu xafiisku kaga jiro hirgalinta horumarka dhanka kobcinta Aqoonta iyo Xirfadaha shaqo abuurka sida buuxda uga taabagalay deegaanka maadaama ay xukuumadu dajisatay qorshayaal in la helo nidaam hogaamin oo haga hawlaha tababarada xirfadaha iyo farsamooyinka si loo xoojiyo cududa xirfadlayaal oo ka qayb qaada hirgalinta qorshayaasha horumarka deegaanka.

waxaa kale oo uu wasiirku si qoto dheer uga warbixiyay socdaal shaqo oo ay ku soo mareen gobolada Jarar, Qoraxay, Shabeelo iyo Afdheer oo ay ujeedadiisu ahayd barnaamij lagu xoojinayay korna loogu qaadatay abaabulka wacyigalinta bulshada ee nidaamka tababarada xirfadaha iyo farsamada si ay bulshada fahan durugsan ugu lahaato ahmiyada ay leedahay ka faa-iidaysiga xirfadaha.

Wasiirku isaga oo hadalkiisa siiwata ayaa waxa uu yidhi” si loo tir tiro saboolnimada iyo jahliga, waxaa qorshaha noogu jiray in aan sii xoojino barnaamijka abaabulka wacyigalinta ee bulshada ee ku qotoma nidaamka tababarada xirfadaha iyo farsamooyinka, waxaanu socdaal aan ku xoojinayno arimahaasi ku soo marnay gobolada jarar qoraxay shabeele iyo afdheer waxaanan maamulada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada la qaadanay kulamo wacyigalin ah”.

Ugu danbayntii waxa uu wasiirku hoosta ka xariiqay in uu xafiisku meel fiican gaadhsiiyay dadaal dheerna ugu jiro ka midho-dhalinta hirgalinta qorshayaasha horumarineed,shaqo abuurida, cidhibtirka saboolnimada iyo soo saarida xirfadlayaal wax soo-saar leh, iyo guud ahaanba fidinta farsamooyinka casriga ah.

Soo Gunaanadka Qormadan ayaa Waxaa masuulka socdaalkaasi ku wehelinayay khabiiro ka socday xafiiska TVET iyo kooxaha fanka iyo suugaanka oo hab suugaaneed loogu gudbinayay qaybaha kala duwan ee bulshada faa-iidooyinka ay leeyihiin tababarada xirfadaha iyo farsamooyinku ay bixiyaan Kuliyadaha Deegaanku si looga haqabtiro bulshada.