Ramadan Kariim 



 

      

Tartamada AFCON oo maanta Ka Furmay dalka Equatorial Guinea.

Tartamada ciyaaraha qaramada Afrika ayaa maanta ka bilaabanaya dalka Equatorial Guinea.

Ciyaarahan ayaa markii hore la filaayay inay ka dhacaan dalka Morocco, balse dhammaadkii sanadkan ayey diideen kaddib markii ay ka baqeen xanuunka Ebola in uu ku faafo dalkooda.

Ciyaarta lagu furayo tartamada ciyaaraha qaramada Afrika oo dhexmari doonto dalka Martigelinaya ee Equatorial Guinea iyo Congo Brazaville ayaa ka dhicidoonta magaalada ugu wayn ee Bata.

Hoteellada oo aad u buuxsamay oo aan laga heleynin qolal la seexo iyo adeegyada kale oo ciriiri ah ayaa walaac badan abuuraya ka hor ciyaaraha. Arrintan ayaa dalka Equatorial Guinea uu u hayaa cudurdaar, sababtoo ah dalkan yar ee qaniga ku ah saliidda ayaa todobo isbuuc ugu diyaar garooway inuu martigeliyo tartamada ciyaaraha kubadda cagta ee Afrika. Equatorial Guinea ayaa u istaagtay qabashada markii Morocco ay diiday Afar garoon ayaa lagu ciyaarayaa kulamada, labo ka mid ah waxay ku yaallaan magaalooyiin yaryar oo ku dhow xuduudda dhanka bari halkaas oo laga keeno cawska garoomada la dhigo.

Sida la sheegay Laydhadhka ama nalalka iyo kuraasta ayaa la geliyay garoomadaasi, halkaasi oo mid ka mid ah kooxaha ay ku sheegtay inay la mid tahay guryaha bulshada. Way ka fogtahay dhameystirnaan, waxaa soobaxaya cabashooyiin, balse xiriirka kubadda cagta ee Afrika ayaa ku baaqaya dulqaad.

Guddigan ayaa diiday codsi ahaa in dib loo dhigo qabashada ciyaaraha kaddin markii Morocco ay diiday inay martigeliso. Weli waxa ay ku niyadsan yihiin go’aankaasi oo aysan weligood ka shalayndoonin.