CIID MUBAARAK



 

      

Maamulka Magaalada Jigjiga oo Guntiga Dhiisha Isaga Dhigay Tayaynta Wadooyinka Casriga ah iyo Kor u Qaadida Bilicda Magaalada Jigjiga.

Jigjiga(CN) isniin Jan-19-2015.Caad inagama saarna marxaladihii ay soo martay jigjiga iyo farqiga u dhaxeeya muuqaal ahaan jigjigadii hore iyo jigjigada maanta muuqaalkeeda qurxoon una roon damiirka qofka wadaniyadu ku dheehan tahay iyo qofka saaxiibul caqliga ah ee isbarbardhigi kara jigjigadii shalay iyo jigjigada maanta.

waxaa hubaal ah hadii aynu dib u milicsano magaalada jigjiga wixii 4tan sano ka horeeyay muuqaal ahaan horumarka ka muuqday in uu ahaa mid aan saa uga sii fogayn sawirkii dibudhaca iyo horumar la'aanta soo jiitantay ee magaalada jigjiga ka muuqdayxiliyadii talisyadii faashiistiga ahaa,balse ay sii ragaadiyeen maamulxumadii jirtay iyo ashkhaas dano gaar ah lahaa kuwaasoo aanan sidii la rabay ugaga faaiidayn guud ahaan deegaanka gaar ahaana jigjiga lana jaanqaadi kari waayay dimoqraadiyadii iyo sinaantii dalka ka curatay.

Markii hogaamin ay ka go'an tahay kor uqaadida iyo darsida nolosha shacabka si dhab ah ayaa talo horumarineed la helaaye waxaa 5tii sano ee ugu danbaysay ay xukuumada maanta talada deegaanka soomaalida itoobiya haysaa ay sal mugii ugu heensaysatay dejinta Qorshayaal horumarineed,N/galyo iyo maamulsuuban Guud ahaan Deegaanka gaar ahaana kuwo lagu horumarinayo magaalda jigjiga.

Waxaan la iska indhosaabi karin odhaahda kor kuxusan mudada yar ee aan ka badnayd 4ta sano sida ay magaalada jigjiga muuqaal ahaan cirka isugu shareertay siiba dhinacyada adeegyada aasaasiga iyo kaanayaasha Dhaqaale kuwaaasoo mudo yar ku haabtay Deegaanadii dalka ee ka faaiidaystay Fursadaha horumar dimoqraadiyadeed ka dib markii dalka ay ka curatay Dimoqraaditada Sinaanta iyo wadanoolaanshaha. Magaalada Jigjiga ayaa lagu xasuustaa hal wado-Badh liid laami ah oo badhtamaha jigjiga mari jirtay kuna ekayd buundada ka sokaysa D/sare ee sheekh c/salaan,tirada xaafadaha ayaa ahaa 6 xaafadood oo celcelis ahaan u dhigmaya 2 xaafadood maanta halka ay 30 xaafadood sii cagagaynayso maanta magaalada Jigjiga.

Magaalada jigjiga ayaa waxaa ka jiray hal dugsi sare halka ay maanta ka jiraan 3 Dugsi sare hal jaamacad,4kuliyadood oo dawli ah iyo in ka badan 10 kuliyadood oo Private ah iyadoona isbitaalka Geeska Afrika ugu wayn laga dhisay M.jigjiga

sidoo kalana Garoonka Diyaaradaha casriga ah ee Garaad Wiil Waal International Airport. Dhanka kale hadaynnu dhab ahaan u gudagalno Horumarka,Baaxada dhismaha iyo bilicda ay ku talaabsatay magaalada jigjiga waxaa ay Maamulka magaalada oo taageero ka helaya xukuumada maanta ay si dhab ah u dhaqangaliyeen Qorshayaashii Horumarineed ee loo dajiyay magaalada haday ahaan lahayd horumarinta wadooyinka laamiga ah,goglida wadooyinka dhagaxa qoran,Shaqo abuurka Bulshada,Dhiraynta horumarka cagaranmagaalada,laydhgalinta wadooyinka,samaynta Buundooyinka la isaga goosho togaga magaalada dhexmara iyo dhiirigalinta maalgashigaba. Jigjiga ayaa hada ka hor aynan ka dhisnayn wax Guryo nooca dhaadheer ah ee fooq ama dabaq loo yaqaan balse uu ka jiray hal guri oo dhismayaashii qadiimiga ahaa ah loona yaqaanay Fooq-dheere balse maanta waxaa Wadooyinka magaalada jigjiga dhexmara teedsan dhismayaal casri ah oo ka ugu yar yahay G+4 halka guryaha shacabka ee nooca fooqaqa G+2+3 iyo ka badanba aad looga dhisay magaalada.

Hadaba xukuumada DDSI oo sanadkan u qorshaysay in Maamulka Magaalada Jigjiga ka dhisaan wadooyin laami ah oo dhan 18km nooca laamiga Class A (Concrete Asphalt) ayaa lagu guulaystay dhamaystirka wadooyin laami nooca sare ah oo dhan 3Km kuwaasoo ku yalaa Garabka Hoolka Sayid Maxamed Cabdule xasan iyo Wadada tagta Millenium Hotel halka 2da wado ee laamiga ah kuwaasoo kala ah wadada hormarta Bade Hotel iyo Qodobaha xaafada 3aad ay gabogabo taagan yihiin islamarkaan dhamaan wadooyinka 3da km ee laamiga ah nooca Class iyo wadooyin Dhagaxa Qoran ah Cobble Stone todobaadkan xadhiga laga jari doono.

Mar aanu la xidhiidhnay Mayorka Maamulka Magaalada Jigjiga ahna Komishinerka Boliska DDSI mudane C/risaaq saxane ayaa sheegay in maamulka magaalada Jigjiga uu ku guulaystay in uu wadooyinka magaalada dhexmara u bedelo noocyada magaalooyinka waawayn sida laamiyada iyo kuwa laga sameeyo dhagaxa Qoran,sidoo kalana la balaadhiyay laamiga magaalada dhexmara oo 2haad laga dhigay halka wadada wayn tagta Isbitaalka Karamardha lagu hawlan yahay sidii iyana 2bo haad looga dhigi lahaa.

Mudane saxane ayaa intaa ku daray in Buundooyin casri ah oo ay malaayiin ku kacday magaalada jigjiga laga dhisay wadooyinka uu toga jarareed maro oo mid la isticmaalo midna gabogabo ku dhawdahay sidoo kalana 2bo buundo wadada lafaciise iyo laga wado ayuu yidhi.

Masuulka ayaa tibaaxay in maamulka magaalada jigjiga uu ka helay Xukuumada deeq qalab oo ku kacday 100 Milyan wakhti xaadirkana ay warshada Laamiga samaysa maamulku ka dhisay magalada iyadoona injineerada,Operatarada,Naqshadaynta, shaybaadhka baadhida carada intaba ay ka hawlgalaan aqoonyahan u dhashay Deegaanka.