Ramadan Kariim 



 

      

Haweenka DDSI ee ku nool Dalka Deegaanka iyo Dacalada Aduunka oo siwayn u soo Dhaweeyay Saamiga Balaadhan ee Dhinaca Xildhibaanimada ee uu XDSHSI siiyay Haweenka DDSI.

Jigjiga(CN) Axad jan-25-2015. Waxaa si istaba joog ah ugu soo dhacaya emailada shabakada wararka ee cakaaNews fariiso hanbalyo iyo taageero ah uu ku socoto hogaaminta sare ee XDSHSI iyo golaha guurtida sare ee DDSI fariimahan oo ka socda ururda haweenka DDSI kuwa dalka deegaanka iyo kuwa qorba joogta ahba.

Tahniyadahan iyo hanbalyooyinka ah ayaa waxay si balaadhan ugu qoto go’aanadan geesinimada leh ay qaateen hogaaminta sare ee XDSHSI iyo ku taageerida balaadhan ee ay ku raaceen golaha hogaaminta sare ee guurtida DDSI Waxayna sheegeen ururadan kale duwan ee haweenku in ay tahay markii ugu horaysay ee taariikhda deegaanka la siiyo haweenka saamiga balaadhan oo ah dhinaca xildhibaanada deegaanka iyo kuwa dalkaba.

Sidoo kale waxay tilmaameen in ay tahay markii ugu horaysay ee haweenka ay qabtaan xilalka ugu waawayn ee dhinaca deegaanka, ayna noqdeen ilaa heer madaxwayne ku xigeen taasina ay tahay mid taariikhta deegaanka baal dahab ah ka gashay ayna soo hooyeen xukuumada hada ka arimisa deegaanka.

Taageerada haweenka ku nool dalka iyo daafaha caalamka ayaa ku soo beegantay xilli uu XDSHSI tiradii ugu badnayd u magacaabay Hogaaminta Deegaanka islamarkaana qalinka ku duugay in 100%40 dadka la soo sharaxayo doorashada ay noqdaan Dumar.

Isku soo wada duub oo XDSHSI ayaa sanadihii ugu danbeeyay tajistay qorshayaal lagu adkaynayo ilaalinta xuquuqaha haweenka ee sinaanta ka qaybgalka haweenka in aan la xaqirin sinjigooda haween nimo oo aan gaar loo soocin, islamarkaan is mug leh ugu qayb qaataan hirgalinta horumarka kor u qaadida kaabayaasha dhaqaalaah .

In la sii xoojiyo qorshayaasha ku qotoma xuquuqaha sinaanta xaqiijinta ka qaybqaadashada dhinaca dumarka iyada oo loo dajiyay istaraatajiyado siyaasadeed oo tilmaamaya ka qaybqaadashada haweenka guud ahaanba hawlaha horumarka