Ramadan Kariim 



 

      

Madaxwaynaha DDSI Iyo Waftigii Uu Hogaaminayay Oo Saaka Gaadhay Mashaariicaha Koonfur Godey

Godey(CN) Khamiis.Jan.29.2015, madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo waftigii sare ee heer federaal iyo heer deegaan ee uu hogaaminayay ayaa maanta niskii hore soo kormeeray mashaariicda waraabka iyo beeraha ee Koonfur Goedey.

Waftigan sare ayaa maanta soo maray iyagoo daraasanaya habsami socodka islamarkaana lakulmayay beeralayda  ayaa si qoto dheer usoo indha indheeyay dhul beereedyada iyo mashaariicda kasocda Badeelo-cad, Kunka iyo Goodireey oo katirsan degmada Godey ee gobolkaasi Shabeele.

Waftigan iskudhafka ah ee federaalka iyo deegaanka ayaa waxaa kamid ahaa madaxwayanaha DDSI mudane Cabdi Maxmuud Cumar, Lataliyaha arimaha nabdgaliyada ee Raysalwasaarada dalka mudane Tsegaye Brehe, madaxa tababarada hogaaminta EPRDF ahna directorka bordhiga taageerada gaarka ah ee deegaanada mudane Adsisu Lagase, wasiirka arrimaha federaalka ee DFI mudane Shiferew T/mariam, madxawayne kuxigeenka mudane Cabdixakiim Cigaal Cumar, wasiiro heer federaal ah, wasiirda waraabka iyo dooxooyinka DDSI iyo maamulka gobolka Shabeele.

Madaxdan oo si qoto dheer u raacnayay istraatiijiga iyo hanaanka kuhaboon ee farsamada waraabka iyo beeraha ayaa sidoo kale lakulmayay qaar kamida beeralayda waxayna talooyin dhiiri galin ah usoo jeedinayeen beeralayda iyo maamulkii mashaariicaha. Waftiga ayaa daraasanayay noocyada dalaga ee beeraha kuwaas oo ay kamid ahaayeen bariiska, sinsinta, basasha iyo noocyada kala duwan ee dalaga.

Qaar kamida beeralayda bariiska ayaa sheegtay in ay isasii tarayso tabcashada bariiska oo ay sanadkan dadku aad u fahmeen kadib markii ay xukuumadu kacaawisay tacab ahaan iyo talo ahaanba islamarkaana ku dhiiri galisay.

Waftiga oo maalinkii saddexaad maraya kormeerkan hawleed ee lagu darsayo waxqabadka horumarineed ee ugu danbeeyay iyagoo sidoo kalena diirada saarayay qorshayaasha mustaqbal ee lagu horumarinyo bulshada deegaanka iyo guud ahaanba dalka.

Ma aha markii ugu horaysay ee ay madaxda isku dhafka ah ee haayadaha fedraalku yimaadaan deegaanka balse waxaa jira xiliyo go'an oo ay yimadaan. Waxayna hada madaxdani lakulmeen wax qabad cad oo lataaban karo kaasoo ay aad usoo dhaweeyeen.