Ramadan Kariim 



 

      

Waftigii Federaalka Iyo Deegaanka Oo Xarunta Soo Gaadhay Iyo Qaryaan Dhoodaan Oo Uu Kabilaabmay Shir lagaga Wada Hadlayo Waxqabadka iyo Qorshaha Adeegyada Horumarineed.

Jigjiga(CN) Khamiis.Jan.29.2015, waftigii balaadhnaa ee hawlaha kormeer kujoogay Godey ayaa niskii danbe soo gaadhay xarunta DDSI ee Jigjiga. Waftigan isku dhafka ah oo haatan u muqqda in ay soo gabagabeeyeen hawlihii kormeer ayaa isla galabta shir uga furmay madasha Qaryaan Dhoodaan.

Shirkan oo taniyo caawa fiidkii socday ayaa u muuqda mid lagu khatimayo islamrakaana lagaga wada hadlayo waxqabadkii u danbeeyay iyo qorshaha cusub ee sanadadad danbe. Wxaana kasoo qayb galay madadii sare ee federaalka, madaxwayanaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, dhamaan wasiirada,  golaha capinetka iyo haayadaha bixiya adeega.

Shirkan ayaa lagu eegayaa dhamaan adeegyada iyo haayadaha kala duwan ee federaalka iyo deegaanka kuwaas oo laga hadlayoguulaha iyo waxa qabsoomay. Sidoo kale waxaa meel la isla dhigayaa sidii loo sii laba jibaari lahaa dadaalka hada lagaadhay ee uu sector walba keenay.

Kulankan dhamaan haayadaha adeega iyo bordhiga taageerada gaarka ah ayaa kaga duwan kuwii hore wakhtigan oo loo diyaar garoobayo wareegii labaad ee qorshaha isbadalka iyo koboca dhaqaalaha ee shanta sano oo sanadkan loo diyaar garoobayo.