CIID MUBAARAK



 

      

Wasiir Ku xigeenka Wasaarada Xoolaha Beeraha iyo Horumarinta Reermiyiga DDSI oo Ka Warbixiyay Dadaalada uu Xafiisku Ugu Jiro Kamidho Dhalinta Qorshayaasha Horumarineed

 

 

Jigjiga(CN) Talaado.Feb.03.2015, Wasiirku xigeenka wasaarada beeraha xoolaha iyo horumarinta reer miyiga ee DDSI mudane Cabdinuur Colow Axmed oo xafiiskiisa ugu waramayay warbaahinta deegaanka ayaa sheegay in xafiisku dadaalo xoogan ugu jiro hirgalinta iyo ka midho dhalinta qorshayaasha horumarineed ee ku qotoma kor u qaadida nolosha bulshada xoolo dhaqatada iyo kuwa  xoolo dhaqato beeralayda ah.

Wasiir ku xigeenka oo arimahaasi ka waramaya ayaa waxa uu yidhi waxaa rubucyadii ugu danbeeyay guulo waawayn laga soo hooyay istaraatajiyadihii ku qotoma kor u qaadida nolosha bulshada xoolo dhaqato iyo xoolo dhaqato  beeralayda ah Mar uu ka hadlayay qorshayaasha hirgalay bilihii ugu danbeeyay waxa uu yidhi ”Waxaa dhamaan 68da degmo lagaadhsiiyay loona qaybiyay daawada iyo Qalabka talaalka iyo daawaynta  Caafimadka Xoolaha oo sanadkan sidii loogu talagalay iyo xiligii loogu talagalay la gaadhsiiyay dhamaanba bulshada  deegaanka taasi oo 2 sano ee ugu danbaysay dib u dhacbadani ku iman jiray oo ah dhinaca masuulkii xiligaasi joogay oo la daalaa dhacayay gudasho la aanta waajibaadkiisa shaqo ay sobobi  jirtay dib u dhacaasi”

Wasiir ku xigeenku isaga oo hadalkiisa sii wada ayaa waxa uu sheegay in bilihii ugu danbeeyay la hirgaliyay  kooxaha caafimaadka ee animal Health  mobile Team oo ka hawlgala degmooyinka deegaanka. Sido kalena kor loo qaatay tirada xarumaha xanaanada xoolaha.

Waxaa kale oo uu sheegay wasiirku xigeenku in bilihii ugu banbeeyay la hirgaliyay furitaanka xarunta sheybaadhka xoolaha labora tory oo sanadkii la soo dhaafay ahaa mid aan shaqaynayni balse markii la hirgaliyay furitaankiisa  shaqadiisana uu bilaabay ayaa waxa uu noqday mid siwayn uga qayb qaatay tayada dhinaca xoolaha oo ay wadama darisku inaga soo doontaan in ay tusaale inaga qaataan sidaan u hirgalinay furitaanka xaruntaasi.

Waxaa kale oo uu wasiirku tilmaamay in dhamaanba bulshada deegaanka la gaadhsiiyay xulka abuurka calafka isku jirka ah sidoo kalena uu si wayn kor ugu kacay wax soo saarka dhinaca beeraha iyada oo lagu guulaystay in la soo saaro bariiska ka soo go’ay beeraha  gobolka shabeelo taasina uu noqday mid ay dawlada fadaraalku siwayn ugu amaanto ka midho dhalinta qorshayaasi ku qotoma dhinaca wax soo saarka bariiska.