Xafiiska Caafimaadka DDSI Oo Casho Sharaf u Sameeyay Dhakaatiirtii Hawlaha Sama falka ee dhinaca Qaliinka indhaha ka Fulinaysay Cisbitaalka Wayn ee Karaamardha.

Jigjiga(CN) Arbaco.Feb.04.2015, Xafiiska caafimaadka DDSI ayaa habenkii xalay ahaa  xaflad casho sharaf ah, u sameeyay dhakhaatiir ka waday hawlo dhinaca qaliinka indhaha iyo daawayntooda caasimada deegaanka ee jigjiga  dhakhaatiirtan oo ka socota hay’ada Almasari International oo ah hay’ad laga leeyay wadamad carabta ayaa dhawaan ka bilaabay shaqadani cisbitaalka kaaraamardha.

Waxaana ka soo qaybgalay xafladan casho sharafta ah wasiirku xigeenka ahna ku simaha caafimaadka DDSI mudane Dr. Cumar Maxamed, dhakhaatiirta qaliinka fulinaysay dhakhaatiirta deegaanka ee la fulinaysay dhakhaatiirtan qaliinka, agaasinada waaxaha kale duwan ee xafiiska caafimaadka iyo waliba marti sharaf kale.

Waxaana furitaankii xafladan casho sharafta ah ka hadlay wasiir ku xigeenka ahna ku simaha caafimaadka DDSI  Dr. Cumar Maxamed isaga oo si durugsan ugu mahad celiyay dhakhaatiirtan hawlaha sama falka ah ee dhinaca qaliinta indhaha iyo daawaynta indhaha ka fulinaya xarunta deegaanka ee jigjiga taasi oo uu sheegay wasiirku in ay kala qayb qaatanayaan sii xoojinta hawlaha adeeg siinta bulshada deegaanka ee dhinaca caafimaadka.

Wuxuuna sheegay wasiirku in ay dhakhaatiirtani ay xarunta deegaanka ka fulinayaan daawaynta iyo qaliinka indhaha kuwaasi oo 500 oo qof ku samaynaya qaliinka indhaha, halka ay 7000  oo qofna ay baadhitaan ku samaynayaan isaga oo sheegay wasiirku in ay degmooyinka deegaankana qaar ka mid ah  tagidoonaan kana fulindoonaan hawlahaasi qaliinka iyo daawaynta indhaha.

Qaarka mid ah dhakhaatiirtan fulinaysa qaliinka indhaha oo ka hadlay xafladan casho sharafta ah ayaa sheegay in u mahadnaqayaan masuuliyiintan xafiiska caafimaadka ee casho sharafta u samaysya iyo dhakhaatiirta deegaanka ee la fulinaysa shaqadan iyaga oo sheegay in ay siiwadayaan shaqadan samo falka ah.

Isku soo wada duub oo  dhakhaatiirtan hay’adan almasari international  ayaa tan iyo intii ka bilowday caasimada deegaanka ee jigjiga shaqadan qaliinka indhaha ay bulsho badani ka faa’iidaysatan soona dhaweeyeen shaqadan sama falka ah ee loo fidiyay bulshada.