Xafiiska Horumaarinta Khayraadka Biyaha Ee DDSI Oo Kawarbixiyay Waxqabadkii 6 Bilood Ee Ugu Danbaysay Iyo Sii Xoojinta Qorshayaasha Horumarineed Ee Dhinaca Biyaha.

Jigjiga(CN) Isniin.Feb.09.2015, wasiir ku xigeenka Xafiiska Horumarinta Khayraadka Biyaha DDSI mudane Cabdixaliim Axmed Ismaaciil oo xafiiskiisa ugu waramayay waraahinta deegaanka ayaa sheegay in guulo wax ku ool ah laga soo hooyay qorshayaashii horumarineed ee xafiiska  ee 6 bilood ee ugu danbaysya.

Haddaba wasiir ku xigeenka oo ka hadlayay ahmiyada ay xukuumada iyo xafiiskuba siiyeen sidii bulshada deegaanka looga xaqabtirilahaa helitaanka biyaha nadiifta ah waxa uu yidhi” xukuumada DDSI waxay ahmiyada 1aad, 2aad, iyo 3aadba la siiyay kor uqaadida adeeg bixinta biyaha sidii bulshada deegaanka ku dhaqan loogu Samayn lahaa nolol dagan. Hawlaha ugu muhiimsan ee lixdan bilood la qabtayna waxaa ka mid ah.

Qodida Ceelasha Dhaadheer: Qorshaha Sanadkan ee xafiiska oo ahaa in la qodo 23 ceel oo dheer waxaa lagu guulaystay 6dii bilood ee la soo dhaagay  in la dhameeyo 15 ceel halka 8 kale ay  socdaan (ongoing) oo ay dhamaad ku dhawyihiin qaarna hadda la bilaabayo hadaba lana soo gabagabayntoona rubucan aan hada ku jirno “.

Goobaha laga hirgaliyya ceelashay dhaadheer mar uu ka waramayay ayaa waxa uu yidhi”xafiisku waxa uu ka hirgaliyay qodida ceelasha Dhamaaday, banka qoraxay(2), Burqayar(2), Feeracad(tulli)(2), Higilalabir (dhanan), Shiniile, gursum, Dharwanaje (Awbare), Gooha(Babile), Galadiid (Q/dahar), garigo’an, Gillo (K/bayax), Hiiley(garbo) Sidoo kale Ceelasha socda oo kala ah garbo (2), Dh/madow (2) iyo Gashamo (1) iyo sadex ceel oo todobaadkan la bilaabayo oo kala ah Dulqabow(2), iyo Sagag (1)”

Waxaa kale oo uu sheegay wasiirku xigeenku  in  Mashaaricaha Biyo galinta  ee isugu jira nooca loo yaqaano river intake ee wabiga laga soo jiido iyo Boreholes with Motorized Pumps in ay dhamaaday 6 Mashruuc oo kala ah Jigjiga, Diridaamo, Nusdariq, Abaqarow, Sankabar & Yexasjamal sidoo kale waxaa socda 7 Mashruuca oo dhamaad ku dhaw oo kala ah Wardher, East imey, Ararso, Higlalabir, Burqayar, Hudat & Koore.

Isaga oo wasiirku hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu tilmaamay in Biyo-xidhenada yaryar (haffirdams): waxaa dhamaaday 8 Haffirdams oo labo kamid ah yihiin Large Scale oo kala ah Jalanqo(Mubarak), Malqaqa (Goljano), Hardhagax (xamaro), Dibbe (Hudat), Farmadow (Gunagado), Iskudhonley(Marsin), Dhuxun & Sanwayne (K/dahar) sidoo kale waxaa ongoing ah labo haffirdam oo kala ah lahelow(Wadher) iyo Kulunbuur. Waxaa kale oo uu wasiirku saxaafada u sheegay in 6dii bilood ee ugu danbaysay xafiisku  sameeyay Daraasaad ah  biyaha Dhulka hoostiisa ku jira (Under ground water source Investigation) oo lagu sameeyay 39 goobood  Goobo Kala Duwan oo ka mid ah deegaanka

Sidoo kale waxa uu wasiirku xigeenku tibaaxay  in  Dhismaha Ceelasha (On-spot construction): Dhismaha Ceelasha (On-spot Constructionka) waxaa la dhameeyay lixdan bilood afar goobood oo kala ah Waaji(jijiga), Diinta (Jijiga) Dhadhamane (Babile), iyo feeracad oo ka tirsan Degmada tulli sidoo kale waxaa dhamaad ku dhaw 5 goobood oo kala ah galadiid (K/dahar), garigo’an, Gillo(K/bayax), Gooxa(Babile) & Burqayar(Dhanan)

Dayactirka & Balaarinta Goobihi horay u jiray (Existing Water Schemes):- waxaa lixdan bilood lagu guulaystay in la dayactiro 63 ceel oo dhaadheer. Sidoo kale waxaa la qaybiyay 138 carton oo ah Daawada biyaha lagu nadiifiyo oo loo qaybiyay Guud ahaan Gobolada deegaanka uu ka hoodan yahay.