CIID MUBAARAK



 

      

Xaflad Lagu Gudoonsiinayay Lacago Halyeydii U Naafoobay Ama U Shihiiday Halganka Ee Ciidanka Gaarka Ah DDSI Islamarkaana Lagu Abaalmariyay Hawlgaladii Halyeeyada Liyuuga Ayaa Xalay Kadhacday Hoolka SMCX.

Jigjiga(CN) Arbaco.Feb.11.2015, xafladan balaadhan ee lagudoonsiinayay lacagaha halyeeyadii ciidanka gaarka ah ee DDSI ee u naafoobay ama u shihiiday difaaca dadkooda iyo dalkooda islamarkaana lagu abaal marinayay hawlgalada isdaba jooga ah ee geesiyada ciidanka gaarka ayaa kaqabsoom tay xalay madasha SMCX.

Waxaa munaasibadan kasoo qayb galay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, Afhayeenka baarlamanka DDSI mudane Maxamed Rashiid Isaaq, Madaxwayne kuxigeenada marwo Sucaad Axmed, iyo mudane Cabdixakiim Cigaal, iyo masuuliyiinta sare ee DDSI, saraakiisha Ciidanka gaarka ah, odoyaasha iyo waxgaradka, madaxdii hore ee DDSI, shaqaalaha dawlada iyo qaybaha kala duwan ee shacabka DDSI.

Xaflada ayaa waxaa lacago lagu gudoonsiiyay halyeeyadii geesiyada liyuuga ee u naafoobay iyo kuwii u shihiiday halganka maanta midhihiisa lagu naaloonayo kuwaasoo marar kala duwan ay markasta xukuumada DDSI ay si cad iyo si dad banba u gacan qabato halyeeydaas iyo eheladoodaba. Waxaana lacagtaasi gudoonsiinayay odoyaasha iyo waxgaradka deegaanka. Lacagta lagudoonsiinay geesiyadan laxaadka u waayay nabada deegaankooda ayaa waxay katimid oo faaiidada wax kasiiyay shirkda Jaadka ee Kaali oo mudo yar oo bilo ah kashaqaynayasay qaar kamida gobolada DDSI taasoo keentay lacag dhan 5,300,000 shan million iyo sadex boqol oo kun dhanka kale shirkada ay ku bahoobeen ehelada iyo agoonta halyeeyada ciidamada gaarka ah ee Rajo taasoo keentay 8000,000 sideed million isla markaana ay manta ka midtahay shirkadaha canshuur dhaafka ah (LC)

Waxaa kale oo xafladan lagu abaal mariyay xubnaha halyeeyada Ciidanka gaarka ah ee sida gaarka ah hawlgalada ay sida isdaba jooga ah guulaha uga soo hoyiyay kuwaas oo lagu gudoon siiyay abaal marino qaran,guryo fila ah iyo gaadiid waxaana si guud gurigu uga mahad celiyay guulahan lama ilaawaan ka ah oo shacabka iyo taariikhduba ilaawi doonin

Madaxwayanaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa munaasibadan kaxusay in geesuyadan wadaniga ah ay mudan yihiin in laga abaal mariyo naftooda ay u hureen shacabka,  markasta loo baahanyahay in aan u buuxuno booska ay ehelkooda iyo caruurtoodu u taagnaayeen. Madaxwaynuhu waxaa uu sheegay in ilaa hada ay jiraan haayado iyo qaab dhismeedyo u gaar ah hawshan ay jiraan balse markasta lasii xoojinayo sidii markasta dantooda looga fikiri lahaa ee heer loo gaadhsiin.

Ma aha markii ugu horaysay ee ay xukuumadu ku gudoonsiiso taageeroyin abaal marino kala duwan oo ay xalfadi ka mid tahay balse waa dadaal joogto ah oo ay xukuumadu markasta ugu taagan tahay ahmiyada iyo qiimaha ay mudan yihiin halyeeyada laxaadkooda iyo naftoodaba u huray shacabkooda.