CIID MUBAARAK



 

      

Madaxwaynaha DDSI iyo Golihiisa Capinetka oo Si Diiran Magaalada Jigjiga ugu soo Dhaweeyay Madaxwaynaha Koonfur-Galbeed Somalia Shariif Xasan Sh. Aadan.

Jigjiga(CN) Khamiis Feb12-2015. Waxaa maanta si diiran uu madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo uu wehelinayeen Afhayeenka baarlamaanka DDSI mudane Maxamed Rashiid Isaaq,3da madaxwayne kuxigeen iyo Golaha capinetka ay Garoonka wiilwaal Airport ugu soo dhaweeyeen wafti uu hogaaminayay madaxwaynaha maamul goboleedka koonfur galbeed somalia mudane Shariif Xasan Sh. Aadan.

Galabta ayaa waftigan ay madaxwaynaha DDSi iyo capinetku booqasho ku tageen Isbitaalka meles memorial referal hospital,Dugsiga hoyga agoonta iyo kuliyada caafimaadka jigjiga.

Caawa ayaa xaflad casho sharaf ah oo aad u balaadhan Sheekh Shariif iyo waftigiisa loogu qabtay Guriga martida Qaryaan Dhoodaan. dib kala soco munaasabada casho sharafta