Ramadan Kariim 



 

      

Sanad Guuradaii 40 aad Ee Aasaaska TPLF Oo Maanta Si Heer Sare Ah Looga Xusay Magaalada Maqale Ee Deegaanka Tigrey.

Maqale(CN) Arbaco.Feb.18.2015 Sanad guuradaii 40 aad ee aas aaska halgankii TPLF ayaa maanta si heer sare ah looga xusay magaalada Maqale ee xarunta deegaanka Tigrey. Munaasibadan oo maalmahan si wayn loogu diyaar garoobayay ayaa maanta kadhacday garoonka wayn ee ciyaaraha ee magaaladaasi Maqale.

Sanad guuradan ayaa waxaa kasoo qayb galay madaxda dalka ugu saraysa iyo madax sare oo katimid dalalka jaarka ah iyo caalamkaba, waxaana kamid ahaa  madaxwaynaha DFI DR.Mulatu Teshome, raysal wasaaraha DFI mudane Hailemariam Desalegn,  madaxwaynaha dalka Sudan Cumar Xasan Al-Bashir, madaxwaynaha Rwanda Paul Kagame, madaxwaynaha Somalia Xasan Sheeh Maxamed, gudoomiyaha komishinka midowga Afrika Nkosazana Dlamini-Zuma, madaxwaynaha deegaanka Tigrey mudane Abay Woldu,  madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo madaxwayneyaasha kale ee deegaanada dalka, madax badan oo dalka ah iyo wadamada Jabuuti, K.Afrika, midowga Yurub, iyo KKuuriya.

Waxaana khudbado dhiirigalin iyo bogaadin leh kasoo jeediyay madax badan oo ay kamid ahaayeen raysal wasaaraha dalka mudane Hailemariam Desalegn, gudoomiyaha TPLF ahna madaxwaynaha Tigrey mudane Abay Woldu iyo madaxdii dalalka jaarka ah iyo caalamka oo khudbado dhiiri galin iyo midnimo leh kasoo jeediyay.

R/wasaare Hailemariam Desalegn ayaa shhegay in maalintan aas aaska TPLF aysan ahayn xus kalaiya balse ay tahay maalin aan ku faantamayno islamarkaana dhaxal gal u ah jiilka dalka  iyo wadamada Afrikaba sida ka go'naanshaha leh ee ay naftooda ugu hureen sidii Itoobiya ay noqon lahayd wadan dimuqraadi, nabadgaliyo iyo horumarba leh.

Munaasibada ayaa lagusoo bandhigay fariimo gudbinayay sidii ay halganka u bilaabeen TPLF, cadaadiskii Dergiga, naftood hurayaashii, kaalintii ay shacabku kaqaateen halganka iyo midhaha maanta lagu helay oo ay intaba soo jeediyeen kooxo mataliyay. Sidoo kale waxaa dadku wateen sawirada naftood hurayaashii (in kabadan 60 kun iyo laxaad beel kabadan 1000 oo qof) iyadoo ay halkaasi ku sugnaayeen xubnihii laxaadkooda kuwaayay halgankaasi.

Sidoo kale waxaa ablaamarin lagudoonsiiyay xubnihii iyo eheladii halganka doorka wayn kulahaa kuwaas oo ay kamid ahaayeen w/o Azeb Mesfin haweenaydii R/wasaarihii hore ee dalka Males Zenawi, Ambassodor Siyuum Mesfin iyo xubno kaloo badan.

Maxadii Afrika ee halkaas kahadashay ayaasheegay in guusha ay dhaliyeen ama ay curisay TPLF iyo EPRDF aysan ahayn mid Itoobiya gaar u ah balse ay tahay mid Afrika oo waliba xusid iyo mudnaanba u leh Afrika.

TPLF ayaa lagu aas aasay deegaanka Dedabij ee Tigrey, waxaana lagu bilaabay 10 nin iyo 5 qori oo Rifle ah taariikhdu markay ahayd 1967-dii tirsiga dalka ama 1975-tii G.c Halganka TPLF oo ahaa mid aad u khadhaadhaa ayaa horseeday in dhamaan Itoobiya laga takhalusiyay cadaadiskii iyo cabudhintii Dergiga taasoo ay dhamaan shucuubta Itoobiya halmeel uga soo wada jeesteen sida EPRDF iyo ururadii ku midoobay halgankaasi.