Wafti Qurbajoog ah oo Booqasho Ku soo Maray Gobolka Doolo.

Wardheer(CN) Axad Feb-22-2015.Waxaa todobaadyadii ina soo dhaafay booqasho ku tegay qaar ka mida qurbajoogta ka soo jeeda Gobolka Doolo oo uu hogaaminayay kuxigeenka maareeyaha wakaalada qurbajoogta ddsi mudane Cabdi khaliif buraale(Dhoombe).

Waftiga ayaa aad loogu soo dhaweeyay Goobihii ay booqdeen oo ay ka mid ahaayeen Deegaanada Qabaleeyada Mirqaan,buhodle,Goob iyo Docmo halkaasoo ay kulamo kula qaateen qaybaha shacabka ku dhaqan goobihii ay booqdeen.

Qurbajoogta ayaa aad u soo dhawaysay guud ahaan horumarka, n/galyada iyo maamulka suuban ee ka taabogalay guud ahaan deegaanka gaar ahaana goobihii ay booqdeen islamarkaana sheegay in ay qurbajoog ahaan doorka kaga aadan horumarka ay ka qaybqaadan doonaan.

ma aha markii ugu horaysay ee qurbajoog booqasho ku yimaadaan Deegaanka ilaa 4tii sano ee ugu danbaysayba si isdaba joog ah ayaay qurbajoogta ka soo jeeda DDSI ee ku baahsan caalamka ay booqasho ku imanayeen iyagoona qaar ka mida qurbajoogtu ay maalgashiyo waawayn ka samaysteen Caasimada jigjiga iyo goboladaba.